Afar Ciyaaryahan oo Qarax ugu geeriyooday Kismaayo

Kismaayo (aftahannews):- Ugu yaraan afar qof, ayaa ku dhintay dhowr kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii gaari bas ah oo ay la socdeen koox ciyaartoy ah uu qarax ku haleelay magaalada Kismaayo.

Ciyaartooyda ayaa la sheegay inay ku sii socdeen garoonka kubada cagta ee Stadium Waamo ee magaalada Kismaayo, xilligii uu qaraxu haleelay.

Cayaartoydan ayaa garoonkaas kaga qeebgali lahaa ciyaarta kooxaha Heerka Koowaad oo maanta uu doonayey inuu daahfuro madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxa, kaas oo ay dadkii ka ag dhawaa VOAda u sheegeen inuu ka dhashay walxo qarxa oo gaariga lagu xiray.

Afar ka tiranaa ciyaartooyda ayaa la xaqiiniyay in ay qaraxa ku dhinteen iyadoo uu dhaawac soo soo gaaray, kuwii kale, kuwaas oo hada lagu dabiibayo cisbitaalka Kismaayo.