
Muuqaalka ayaa la tusay qaar ka mid ah qoysaska qabdhahaasi maalin ka hor. Xukuumadda Nigeria waxay sheegtay in ay sii wadi doonto dariiq kaste oo lagu soo dayn karo isla markaana lagu badbaadin karo gabdhahaasi.
Wasiirka Warfaafinta Labaran Maku, ayaa ku gacansayray hadal uu horay u sheegay wasiirka arimaha gudaha oo ahaa in dowladdu aysan wax wadahadal ah la geli doonin Boko Xaraam. Waxaana uu intaas ku daray in dowladdu ay samaynayso wax kasta oo gabdhhaas lagu badbaadin karo.
Boko Xaraam waxaay sheegtay inay doonayso in gabdhaha ay sii dayso ayna ku baddalato xubnaha Boko Xaraam ee dawladda u xiran.
Madaxwaynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa baarlamaanka ka codsaday in ay lix bilood ku kordhiyaan xaaladda deg degga ah ee waqooyi-bari Nigeria ee la soo rogay sanad ka hor.
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya/Office.