Nin Xaaskiisii iyo Gabdho uu dhalay Rasaas ku laayey iyo dhaawacyo la soo gaadhsiiyey Hargeysa

Filed under: Wararka |

Buuhoodle(Aftahannews)- Nin Shacab ah oo hubaysan, ayaa rasaas uu furay ku dilay Xaaskiisii, isla markaana ku dhaawacay laba Gabdhood oo dhalay iyo Wiil dhalinyaro ah oo qoyska Odaygooodu rasaasta ku furay u gurmaday, ka dib markii sida la sheegay uu shalay subax ku kallahay guriga qoyskiisu degganaa meel ka yara baxsan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Waxaana dhaawaca labada Gabdhood la soo gaadhsiiyey Caasimadda Hargeysa si Cusbitaallada Hargeysa loogu daweeyo sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen dad ay ehel yihiin.

Ninkan oo la sheegay inuu Jaadka ka ganacsan jiray. Caaqil Saleebaan Burle oo Buuhoodle isagoo jooga khadka taleefanka xalay ugu warramay Wargeyska HImilo, ayaa sheegay in ninkaasi dilka iyo dhaawaca geystay Maan-dooriyaha Khamriga uu si aad ah u cabbay habeennimadii, isla markaana isagoo hubaysan ku kallahay shalay subax guriga qoyskiisu ka degganaa magaalada Buuhoodle duleedkeeda. “Ninkani intuu habeenkii oo dhan khamri ku cabbayey magaalada Buuhoodle ayuu aroornimadii ku jarmaaday qoyskiisa oo deggenaa meel magaalada ka baxsan.” Sidaa ayuu yidhi Caaqil Saleebaan Burle.

Caaqil Burle ayaa sheegay inuu ninkaasi qori uu sitay rasaas ka riday Xaaskiisii oo isku deyeysay inay Carruurta badbaadiso ku geeryootay, laba Hablood oo yaryarna ku dhaawacmeen, waxaanu yidhi; “Markuu gurrigii tegay ayuu rasaas oodda kaga qaaday, halkaasoo Xaaskiisii oo Carruuta badbaadinaysay ku geeryootay, laba Hablood uu dhalayna dhaawacyo ka soo gaadheen.”

Ninkan ayaa la sheegay inuu sidoo kale ku dhaawacmay rasaastuu ridayey Wiil dhalinyaro ah oo u soo gurmaday, isagiina Ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen oo uu xidhan yahay. “Rasaastaasi waxa kale oo ku dhaawacmay Wiil dhalinyaro ah oo Jaarka uga soo gurmaday qoyskaas, ninkii dhibaatada geystayna Booliska ayaa gacanta ku dhigay oo xidhay.” Sidaa ayuu yidhi Caaqil Saleebaan Burle.

Dhaawaca labada Gabdhood ee Aabbohood dhaawacay oo Hablo yar-yar ah, ayaa la soo gaadhsiiyey magaalada Hargeysa si loogu daweyeeyo Cusbitaallada Caasimadda, ka dib markii laga soo qaaday magaalada Buuhoodle oo duleedkeeda uu Aabbohood ku dhaawacay, sida ay Aftahannews maanta u xaqiijiyeen dad ay ehel yihiin ninkan qoyskiisa dhibaatada u geystay, waxa dhaawaca Gabdhahaas yar-yar lagu dawaynayaa oo la dhigay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login