Duqa Caasimadda oo dhagax-dhigay jid isku xidhaya Goljanno iyo Daami, Biriijna furay

Filed under: Wararka |

Hargeysa(Aftahannews):- Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa maanta labada munaasibadood oo kala duwan mid dhagaxa ku dhigay waddo cusub oo isku-xidhaysa Xaafadaha Goljanno iyo Daami, halka uu mid kalena xadhigga ka jaray Biriish laga hirgeliyey xaafadda Maxamuud Haybe oo dawladda Hoose hirgelintiisa ku guulaysatay.

Waddadan isku-xidhaysa Xaafadaha Goljanno iyo Daami ee maayarku maanta dhismaheeda dhagax-dhigay, ayaa ka bilaabmaysa Akadamiga Nabadda, taas oo ah waddada dhagax-tuulka ah ee xaafadda Goljanno uga baxda jihada Bari, siina dhexmarta Suuqa Gobonimo.

Maayarka oo ka hadlayey munaasibadda uu jidkan ku dhagax-dhigay, ayaa yidhi, “Maanta halkani waa Akaadamiyada agteedii,waxaanu ka bilaabaynaa waddo ku jirta mashruuca JPLJ oo 300 oo kun oo dhaw-dhaw ku kacaysa,waddadaasi halkan ayaa laga bilaabayaa waxaana ay ku dhamaanaysaa waddada Sheekh Madar ka soo baxda ee hawl-wadaag ee Daami dushiisa,waxaana ay waddadaasi noqon doontaa wado hal-bowle ah, culayskana ka yareyn doonta waddada Dhexe.”

Waxa uu maayirku shacabka xaafadda Goljanno ugu baaqay inay ilaashadaan waddada, isla markaana la shaqeeyaan hawl-wadeenadda dawladda hoose ee waddadan hirgalin doonta, waxaanu yidhi, “Xaafada Gol-janana waxaan leeyahay waa waddadii koobaad ee aad yeelataan,waddadaas inaad dhaqaalaysaan ayaa loo baahan yahay, si xaafadda waddooyin badan looga dhisana waxa la doonayaa inaad cashuurta iska bixisaan taas oo ah cashuurtii Dawlada Hoose ee idinku waajibtay.”

Maayarka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku darya, “Waddaadaas waxaanu ku dhamaystiri doonaa muddo saddex bilood ah, waxaanay bilaabmi doontaa Wiigan soo socda, sidaas ayaanan maanta u dhagax dhigay.

12

Sidoo kale, maayirku waxa uu xadhigga ka jaray Bariij casri ah oo biyo mareen ah oo laga hirgaliyey xaafadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa, waxaana biyo-mareenka hirgelisay shirkadda dhismaha ee Jano-gale oo Ku Guulaystayna In ay Dhisto Biriishkii Saddexaad ee laga hirgalin doono Degmada Maxamuud Haybe.

Munaasibada loo sameeyey xadhig ka-jaridda biyo-mareenka, waxa kasoo qayb galay maayarka Caasimada Somaliland, Maayarka ku xigeenka, Agaasimaha bilicda, masuuliyiin ka tirsan Shirkada Janno Gale iyo marti sharafa kale.

  444
doughtor nasir

Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in goobta laga hirgeliyey biyo-mareenka ee xaafadaha ku dhow dhow ay dadku dhibaato ku qabeen oo aanay dhaafi jirin biyuhu, waxaanu yidh, “Halkan waa meel ay biyuhu istaagi jireen oo ay umadu dhib ka mutaysan jirtay iyo shacabiga xaafada deggan,waxaana dhib laxaadleh kala sii kulmi jiray ardayda jaamacadda Beder ee inagu dhaw ru ahaantii dadaalka jumciyada Manhal iyo shirkada wayn ee Jane gale Constarction company,Runtii Biyo Mareenkani waa 200 Miter oo dusha ka dadan toosna u gaynaya biyaha halkan uu ka qaado dooxa,halkana biyo danbe dib uma fadhiisanayaan intiina ka qayb qaadatay waxaan idin leeyahay dhamaantiin waad mahad santiin inta ka qayb qaadatay.”

Waxaanu intaas ku daray, “Wax kasta oo ay umadi ka wada qayb qaadataan sidaasa ayey u qurux badataa shacbiga reer Hargaysana waxan leeyahay waxaanu nahay dadkii aad doorateen, waxaanu nahay dadkii idiin shaqaynayey waxna waa waxaad noo dhiibtaan waxna waa waxaad ka qayb qaadataan, intaas uunbaa waxa lagu dhisaa.”

Dhinaca kale, Jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti ayaa shahaado sharaf iyo abaalmarino guddoonsiiyey maayirka Hargeysa, iyagoo ku amaanay waxqabadka uu ka geystay magaaladda Hargeysa.

“Dhamaan Masuuliyiinta Jaaliyada Jabuuti, waxaana ka guddoomay shahaado sharaftaas ay ugu maamuuseen runtii jaaliyaduna wax badan ayey dalka iyo dadkaba u qabteen, waxaanan leeyahay waad mahad santiin,”ayuu yidhi maayirka oo ka hadlayay abaalmarin ay guddoonsiiyeen jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

You must be logged in to post a comment Login