Deni oo Garoowe ka bilaabay wada tashiyo ku saabsan mowqifka Puntland ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Siciid Deni

Garoowe (Aftahannews) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay golihiisa wasiiradda, isagoo warbixin ka siiyay safarkiisii magaalada Muqdisho iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu sabtida hortagidoono barlamaanka Puntland, isagoo kala tashandoona mowqifka Puntland kaga aadan go’aan uu qaatay barlamaanka Soomaaliya oo muddo kordhin u sameeyay dowladda uu muddo xilleedkeedu dhamaaday.

Madaxweyne Siciid Deni
Madaxweyne Siciid Deni

Madaxweyne Deni, tan iyo markii barlamaanka Soomaaliya uu 12 kii bishan meel mariyay sharciga jihaynta doorashooynka, weli kama aanu hadlin, balse maalin kadib go’aankaas ayuu ka soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu muddo bil ka badanu joogay xallinta caqabadaha doorashooyinka.

Puntland waxay hore u sheegtay in haddii lagu heshiin waayo geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya uu dastuurkeedu siinayso awoodo u oggolaanaya inay ka tashadaan aayahooda iyo masiirkooda.

Si kastabe ha ahaatee, maalmaha soo socda ayaa Puntland laga filayaa inay soo saarto go’aan barlamaani ah oo ku saabsan mowqifkooda doorashooyinka Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Garoowe/Puntland.