Beesha Caalamka oo Walaac ka muujisay muddo kordhintii Baarlamanka Soomaaliya u sameeyay Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo

Dalalka Beesha caalamka
Dalalka Beesha caalamka

Muqdisho (Aftahannews)- Qoraal ay si wadajir ah u soo wada sareen Dalalka Beesha caalamka ayaa waxa ay ku sheegeen inay ka walaacsanyihiin meelmarinta 12-kii April uu Golaha Shacabka Soomaaliya meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17-kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Baarlamaanka.

Qoralaka ayaa waxaa soo wada saaray Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Dalalka Beesha caalamka
Dalalka Beesha caalamka

Waxaana qoraalka ayaa lagu yidhi “Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore.

“Qaraarka 12-kii April wuxuu wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, dalalka beesha caalamka ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in hirgelinta heshiiskii 17kii September uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo.

Sidaa darteed, ayay yidhaahdeen “waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha hore loogusii wedi lahaa. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, ayna sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha.”

“Waxaan diyaar u nahay inaan bixinno adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17-kii September.”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.