Gaadhi Miino kula Qaraxday duleedka degmada Balcad oo Khasaare badan geystay

Gaadhi Miino kula Qaraxday duleedka degmada Balcad oo Khasaare badan geystay
Gaadhi Miino kula Qaraxday duleedka degmada Balcad oo Khasaare badan geystay

Balcad (Aftahannews) – Wararka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Gaadhi nooca Caasiga ah oo ay saarnayeen dad shacab ahi Miino kula qaraxday inta u dhaxayso Tuulooyinka Golaleey iyo Qalimoow.

Gaadhigan ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kaaso kusii jeeday degmada Jowhar waxaana la sheegay inay saarnayeen dad gaadhaya 24 ruux oo shacab ahaa waxaana la sheegay in ilaa 5 ruux ruux kaliya ahi ay ka badbadeen qaraxa qabsaday gaadhiga rakaabka ahaa, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Gaadhi Miino kula Qaraxday duleedka degmada Balcad oo Khasaare badan geystay
Gaadhi Miino kula Qaraxday duleedka degmada Balcad oo Khasaare badan geystay

Darawalkii gaadhiga miinada haleeshay oo ka mid ahaa dadka tirada yar ee badbaaday oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in badi dadkii gaadhiga saarnaa ay dhinteen kuwii dhaawacmayna loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.