Madaxweyne Siilaanyo oo xil-ka qaadis, Magacaabis iyo isku beddel ku sameeyey 18 Masuul

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa magacaabis iyo isku-shaandhayntii ugu ballaadhnayd ku sameeyey Wasiirro ku xigeennada, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, Maareeyayaasha Hay’adaha qaarkood, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka.

Shanta Masuul ee uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday 02 May 2014Sawirrada Shanta Masuul ee uu Madaxweyne Siilaanyo xalay xilka ka qaaday

magacyada iyo Sawirrada afar ka mid ah Masuuliyiinta uu Madaxweyne Siilaanyo xalay magacaabay

1- Axmed Xaashi Oday (Guddoomiyaha Guddiga Mihnadleyaash Caafimaadka) 2 Cali Maxamed Cilmi (Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland

 GE DIGITAL CAMERA WASIIR KU XIGEENKA AMNIGA LOO MAGACAABAY CALI-GADHEER

MUSTAFE CABDI CIISE (SHIINE) DIGITAL CAMERA

1 Mustafe Shiine (Badhasaabka Gobolka Gabiley) 2 Ramaax Cali Hayste (Badhasaabka  Sanaag)

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed kawdii Habeennimo Saacadda Geeska Afrika ee Caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxaana Digreetooyinka, Magacaabista, Xilka-qaadiska iyo Isku-beddelka uu ku sameeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Qodobbada Sharciyada uu u cuskaday oo uu helay Aftahannews.com u dhignaayeen sidan hoos ku qoran:-

Wareegtada koowaad:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 uu isku beddel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahan hoos ku qoran.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan; Markuu La Tashaday:       

Madaxda ay khusayso; Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday  1. In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.

2.  In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

3.  In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Cadaalada)

4.  In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, (hore Tacliinta Sare)

5. In Mudane, Maxamed Cilmi Aaden, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (oo hore u ahaa Agaasimaha guud ee Kalluumaysiga.”

Wareegtada labaad: waxay u dhignayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2453/052014. Ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday: In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.”

Wareegtada Saddexaad: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2446/052014 ku magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley.

1.     In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2.       In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3.         In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,  JSL/M/XERM/249-2450/052014 uu ku magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.

Markuu Ku Qancay:  In aan looga maarmayn jagadan oo uu hore uga soo shaqeeye, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.”

Wareegtada Mihnadleyaasha Caafimaadka lagu magacaabay:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2451/052014 ku magacabay Gudoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Ku-xigeenkiisa.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Xeer Lr. 19/2001;Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku u leedahay dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo ku xigeenkiisa.

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso; Markuu Ku Qancay:           In ay hannan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagadan; Wuxuu go’aansaday

 1.      In Dr. Axmed Xaashi Oday, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2. In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Wareegtada Magacaabista Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyada:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2454/052014 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL; Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday:  In Mudane, Axmed Cali Maygaag, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Wareegtada Xil-ka-qaadista:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-2455/052014 xilalkii ay hayeen uu kaga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha   Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Gudoomiyeyaashii Gobolada Saaxil, Gabiley, Sanaag, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.”

Xilka Qaadista:

1. Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha   2. Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley

3.  Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL 4. Mudane, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 5.  Mudane, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta,  Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Mudanayaal, Waxa aan aad idinku  mahadinaqayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hannan karta loo dhiibo.  Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan  xilalkaasi  cidaan u soo igmaday.”

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland