Maayerka Hargeysa muxuu ka yidhi Khilaafka u dhexeeya Ku-xigeenkiisa iyo siidayntii C/llaahi Ubax?

“Sabab Aan U Shirqoollo (Cabdillaahi Ubax) Meesha Ma Yaallaan, Imikana Dammaanad Laga Qaaday Masuul Xukuumadda Ka Tirsan-baa Lagu Siidaayey, Waayo….”

maayarka-Hargeysa

 “Qof Kasta Oo Muwaadin Ah Waxa Looga Baahan yahay Inuu Wajahadda Gurigiisa Nadiifiyo, Calanna Ka taago Gurigiisa Oo Uu Si Fiican Ugu Diyaar-garoobo 18-ka May..” Maayarka Caasimadda Hargeysa – Wareysi Gaar Ah

Hargeysa(Aftahannews):- GuddoomiyahaGolaha deegaanka Hargeysa, ahna Maayarka Caasimadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa ka hadlay ku talo-galka dawladda hoose ee la xidhiidha sidii Magaalada Hargeysa looga nadiifin lahaa qashinka, Maadaama oo uu bilaabmay xili roobaadkii.

Maayarka Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafaad la wariyey inuu u dhexeeyo isaga iyo Maayar ku xigeenka Hargeysa, kaasi oo la sheegay inuu ragaadiyey qabsoomidda kalfadhiyadii Golaha deegaanka ee Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Md. Cabdiraxmaan SOLTELCO, oo Xalay Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Madaxa-banaan ee Somalilandtoday, ayaa sidoo kale ka hadlay eedaymo Agaasimihii dhulka ee dawladda hoose, Cabdilaahi Ubax u jeediyay isaga iyo xildhibaanno golaha deegaanka Hargeysa ah, kuwaasi oo ahaa inay shirqooleen, isla-markaana isku dayeen inay khaarajiyaan.

Maayarka Hargeysa oo ugu horeyn ka hadlaya ku talo-galkooda sidii qashinka looga nadiifin lahaa Caasimadda ayaa yidhi “Bishii dhamaatay waxaanu samaynay olole ballaadhan, oo aanu qashin badan Magaalada kaga gurney, Afarta bisha May ilaa 18-ka May aanu ka gaadhayno-na olole kale oo baanka adduunku nagala qayb-qaadanayo ayaanu samaynaynaa oo qsshin badan Magaalada lagaga gurayo, kaasi oo xilli roobaadkan looga faa’ideysanayo, si aanu shirkadihii cusbaana ugu gogol xaadhno, si ay ula wareegaan Meel nadiif ah oo ay sidaa ku hayaan..

Maayarka Hargeysa waxa uu farriin u diray shacabka caasimadda “Golaha deegaanka Hargeysa iyo shaqaalaha dawladda hoose oo kaliya Magaalada Qashinka kama nadiifin karaan, haddayna dadwaynuhu nagala shaqeyn, dadwaynahana waxaan leeyahay waa in qofku qashinka uu la sugaa shirkadaha qashinka oo aanu waddada dhigin, waayo waxaanu soo mareynaa meel aanu shalay ka qaadnay oo maanta intay dadku qashinka soo qaadaan ay dhigayaan waddadii, waa in shacab iyo xukuumadba gacmaha la isqabsado, markaa maadaama oo xili roobaadkii la galay, 18-ka Mayna ay dhowdahay qof kasta oo muwaadin ah waxa looga baahan yahay inuu wajahadda gurigiisa nadiifiyo, Calanna ka taago gurigiisa oo uu si fiican ugu diyaar-garoobo 18-ka May…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo beeninaya warar sheegayey khilaaf u dhexeeya isaga iyo Maayar ku xigeenka “Warkaa waxaan ku arkay, hal wargeys oo soo celcelinaya, runtiina arrintaa wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, anniga iyo ku xigeenkayga wax khilaaf ah oo noo dhexeeya ma jiro, Golaha deegaankuna wax ay isku khilaafsan yihiin ma jiraan, kalfadhigayagiina wuu qabsoomayaa, hal toddobaad ayaanu dib u dhignay hawlo kale oo aanu wadnay, laakiin Axadda wuu noo furmayaa, waana sidiisii caadiga ahayd, taas ayaanu dib ugu dhignay’e wax alaale iyo wax khilaaf ahi ma jiro. Wargeysku markuu leeyahay khilaaf-baa jira, waxay ahayd inuu masuuliyiinta la xidhiidho, oo waxbaa la waydiiyaa, laakiin waa qof arrimo aanaan fahmayn ka hadlaya, waxaanan filayaa inuu ku riyooday…”

Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo la waydiiyey waxa uu u maleynayo inay soo celcelinayaan hadal heynta khilaafka la sheego inuu u dhexeeyo ku xigeenkiisa, ayaa ku jawaabay “Maamulku marka uu isku duuban yahay ee uu wada shaqeynayo, bani-aadamka qaar-baa jecel oo wax ku leh (Wax ku hela) inuu khilaaf yimaaddo, markaa inta xun ayaa ka fikirta maxay dadkani isku qabsan waayeen, laakiin annagu waxaanu nahay Maayar, Maayar ku xigeen, Golaha deegaan iyo Xoghaye isku duuban oo hawshooda wada qabsanaya…haddii shaqadii iyo waajibaadkii la wada qabsanayana wax khilaaf ahi ma imanayo, malaha dadku waxay jeclaayeen golihii deegaanka ee naga horeeyay, oo Maayar Jiciir maalintii uu xilka wareejiyey sheegay in shan sano khilaaf ragaadiyey..”

Maayarka Hargeysa, oo aanu waydiinay waxa uu kaga jawaabayo eedaymo uu hore ugu jeediyay Agaasimihii Maamulka dhulka ee dawladda hoose ee Hargeysa, Cabdilaahi Ubax, kuwaasi oo ahaa in xubno Maayarku ka mid yahay ay shirqooleen, iskuna dayeen inay khaarajiyaan, ayaa ku jawaabay “Runtii, arrintaa hay’adaha sharciga ayaa baadhay, iyagaana Maxkamadda hor-geynaya, qof shaqaalaheyga ah-na Sabab aan u shirqoolaa meesha Ma Yaalaan, waa qof shaqaalaha ka mid ah, (ayuu ahaa)  qofka shaqaalaha ka mid ahina marka uu Gefo waa laga joojiyaa shaqada, wax aanu u shirqoolo ama aanu wax ugu samayno toona ma jirto, dadkii ka dacwoonayeyna hay’adaha sharciga ayay kiisaskooda u gudbisteen, arrinkaana Maxkamadda ayaa u xil-saaran ee hawl annaga noo taalla maaha…”

Maayarka oo mar kale la waydiiyey sababta Maxkamadda gobolka Hargeysa u siideysay haddii dambiyo loo haysto Cabdilaahi Ubax, ayaa ku jawaabay “Dammaanad-baa lagu siidaayey iyo sababo caafimaad, dhakhaatiirta ayaana u soo qoray in Wadnuhu xanuunayo, dawooyinna dibadda ku soo qaadanayo (jeelka dibaddiisa), damaanad-baana laga qaaday masuul xukuumadda ka tirsan intaa uu daawooyinka dibadda ku soo qaadanayo….” Ayuu yidhi, Maayarka Hargeysa oo xalay Wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Madaxa-banaan ee Somalilandtoday.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.