Digniin laga soo saaray Abaar iyo Cunno-yaraan ku dhufta Gobollada lagu dagaallamayo ee Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Warbixin ay si wada jir ah u soo saareen Hay’adda taxliiliso xaaladda Cuntada iyo nafaqadarada Somaliya ee (FSNAU), hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada midoobey ee FAO, iyo laanta ka digto abaaraha ee (FEWS NET), ayaa ku qiyaasay in 857,000 oo qof inay ku jiraan xaaladda halis ah oo u baahan in sidegdeg ah looga jawaabo.

Hay’ado ka digaya inay xaalad xun oo abaar iyo macluul ay ka dillaacdo Somaliya

Hay’adahan ayaa tilmaamay in dadkan ay u baahan yihiin gargaar biniaadamnimo oo dhaqso ah laga bilaabo bisha June ee sanadkan 2014 ka.

Heerka nafaqadarada ayaa gaartay meel halis ah, goobaha miyiga ah qeybo badan oo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Somaliya, iyo meelaha ay kusugan yihiin dadka ku barakacay gudaha dalka.

Kormeer la sameeyay intii u dhexeysay bishii November ee sanadkii 2013-ka iyo bishii janaayo ee sanadkan 2014-ka, ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 203,000 oo caruur ah oo ka yar 5 sano inay macluul hayso, sida warbixinta lagu xusay.

Waxayna intaa ku dartay, in 51,000 oo ka mid ah caruurtaasi inay halis ad u sareyso ugu jiraan inay dhintaan.

Mid kamid ah hooyooyiinka ka qaxay colaadaha oo kusugan xero ku taalla Muqdisho

Marka loo eego sida ay sheegtay laanta biyaha iyo dhulka ee hay’adda FAO, roobabka xilliga guga oo bilaaban jiray bartamaha bisha Maarso inay dib u dheceen, sidoo kalena aysan di’in bishii April.

Qoraalka ayaa lagu xusay in gobolada Waqooyi galbeed iyo bartamaha inaysan weli hellin roobab ayna sugayaan inay da’aan.

Roobab yarada ayaa dhaliyay inay biyaha ku yaraadaan dadka iyo xoolaha. Labada wobi ee caawiya beerashada ee kala ah Juba iyo HSebelle ayaa la sheegayaa inay aad uga hooseeyaan xaddigii laga rabay. Hal mitir ayey biyaha ka hooseeyaan sanadkan marka loo eego sanadkii hore heerka ay ahaayeen.

Sanadkan, qeybo badan oo ka mid ah Somaliya waxaa ka bilowday in dadka ay u diyaar garoobaan inay dalag beertaan, marka uu da’o roobka guga, in kastoo goobaha dagaalada sida Hiran iyo Shabellaha hoose aysan dadka marna diyaar u noqon abuurashada beeraha.

Si kastaba , rajada ugu weyn ee dadka waxay ku tiirsantahay roobabka oo la helo, bishan May ana June.

Qoysaska sabool ka ah ee beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ah ayaa Deyrtii la soo dhaafay ka helay beeraha dalag yar oo galley u badneyd, waxaana suura gal ah inay helaan wax ay ku iibiyaan saaqyada illaa bilaha July iyo August ee sanadkan 2014.

Haweeney ka barakacday gurigeeda oo sugeysa adeeg gargaar, koofurta magaalada Muqdisho

Dib u dhaca sii socdo ee roobab ka xilliga gu’ga, waxay dhallin kartaa inay sare u sii kacdo dhibaatada macluusha, ee ka taagan gobolada waqooyi Bari, Waqooyi Galbeed iyo koofurta iyo bartamaha Somaliya.

Dhibaatada ugu daran ee macluusha ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto gobolada Juba iyo Shabelle oo ay aad u liidato adeegyada caafimaad ka ee ay heli karaan dadka ku nool.

Sidoo kale, warbixinta ay sida wada jirka ah u soo saaraan qaar ka mid ah hay’adaha Somaliya ka shaqeeyo ayaa lagu sheegay in dagaalada ka dhacayay Somaliya bilihii ugu horeeyay ee sanadkan inay xaaladda sii cakireen.

Waxaana dagaaladaasi natiijo u noqday in ay dhintaan ama dhaawacmaan dad badan oo rayid ah.

Sida lagu sheegay war ay UNHCR soo saartay, 50,000 oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacay afartii bil ee ugu horeysay sanadkan 2014-ka.

Hooyo la qexeysa ilmaheeda

Howlgalada meleteriga ee socda iyo cagajugleynta kooxaha hubeysan ayaa ah sababta ugu weyn ee dadkan ay ka qexeen, sida ay warbixinta xustay.

Waxaa intaasi dheer, qiimaha cuntada caadiga ah ayaa sare u kacay boqolkiiba 25, halka raashiinka daruuriga ah uu sare u kacay boqolkiiba 40 illaa 50.

Haddii ay dagaalada xoogeystaaan bilaha May iyo June, waxaa adkaan doonto in dalag laga helo beeraha, xittaa haddii ay roobabka da’aan, waxaana sii xumaanayo xaaladaha bini’aadannimo ee hadda kajiro Somaliya oo dhan, waxaana laga yaabaa in caruur badan ay u dhintaan macluul iyo gaajo, sida ay ku qoreen warbixintan hay’adihii soo saaray.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.