Saraakiil la socday saraakiishii lagu laayay gobolka Galgaduud oo la helay iyagoo nool

ciidamada Soomaaliya
ciidamada Soomaaliya

Dhuusamareeb  (Aftahannews) – Laba sarkaal oo ka badbaaday weerarkii shalay lagu dilay saraakiil katirsanaa ciiddamada Soomaaliya, ayaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo iyagoo nool kadib markii ciidamadii katirsanaayeen ay illaa xalay ka baadi goobayeen goobtii uu weerarku ka dhacay.

Saraakiisha la helay ayaa lagu kala magacaabaa laba xiddigle Qalbi Indha taag iyo gaashaanle Warsame Xassan, waxayna ka tirsanaayeen Qaybta 21-aad ee ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

ciidamada Soomaaliya
ciidamada Soomaaliya

Falka lagu laayay saraakiisha ayaa ugub ku ah deegaanada Galmudug oo inta badan ay ka dhacaan dilal ku salaysan aanooyin qabiil, kuwaas oo maaro loo layahay.

Saraakiisha la laayay oo kasoo jeeda Balanbale, ayaa kamid ahaa ciiddamo iyo saraakiil uu tababar ugu soo xidhmay degmada Dhuusomareeb, waxaana weerarka lala beegsaday xilli ay kusii jeedeen degaanadooda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.