Qaramada Midoobey oo wefti culus u soo diraysa Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Qaramada Midoobay ayaa waxaa la sheegay inay dhawaan u soo dirayso magaalada Hargeysa ee Somaliland wefti culus.

Weftigan oo aan la garanayn cidda hoggaaminaysa, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si ay uga wada-hadlaan mad-madowgii dhawaan soo kala dhex galay Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Dawladda Somaliland ayaa Qaramada Midoobay ku eedaysay inay hadimo ku hayso Somaliland oo ay u soo waaridayso siyaasadda Soomaaliya, iyadoo Somaliland hakisay qaybo ka mid ah wada shaqaynta Qaramada Midoobay, ka dib heshiis ay Muqdisho ku wada saxeexdeen Qaramada Midoobay iyo dawladda Soomaaliya.

Weftigan, ayaa Hargeysa u imanaya inay dawladda isfaham kala gaadhaan xal u helista tabashada Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho ujeedka weftigan iyo waxaa uu socdaalkoodu daaran yahay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.