Turkiga oo wacad ku maray ciqaab darran kadib markab laga qabsaday

Ankara (Aftahannews)- Dowladda Turkiga ayaa Salaasadii cambaareysay qabsashada markab ganacsi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Jeneral-ka reer Libya ee Khalifa Haftar, iyada oo ka digtay “cawaaqib darran” haddii aan la sii deyn 17 shaqaale oo saaran.

Ciidamada Haftar ayaa Isniintii ku dhowaaqay inay Axaddii dhexda u galeen markab ay leedahay shirkad Turkish ay oo sita calanka Jamaica.

Maleeshiyada Haftar ee LNA, oo dagaal kula jira dowladda Libya ee Ankara ay taageerto, ayaa sheegay in markabka oo lagu magacaabo Mabrooka uu soo galay “aagga howlgallada militari”, ee Ras Al-Hilal.

Markabka oo ay saarnaayeen shaqaale ka kooban sagaal Turkish ah, toddoba Indian ah, iyo hal Azerbaijani ah, ayaa loo kaxeeyey deked si baadhitaan loogu sameeyey, sida ay sheegtay kooxda LNA.

Ankara ayaa sheegtay in markabka uu siday gargaar bani’aadanimo.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa si xooggan u cambaareysay ficilkan, waxayna bayaan ay soo saartay ku tidhi “markabka waa in loo ogolaadaa inuu sii socdo, iyada oo aan dib loo dhigin.

“Waxaa jiri doono cawaaqib xooggan, kuwa falkan ka dambeeyana waxay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah,” ayey tidhi.

 

AFP