Maamulka Jaamacadda Hargeysa maxay ka yidhaahdeen in Lacag lagu arko Guddoomiyahooda?

Hargeysa(Aftahannews):-  Muddo laba toddobaada ayaa laga joogay xilli ay Ardayada Jamacadda Hargeysa  muddaharaad ay kaga cabanayaan lacag Maamulka Jaamacaddu ku kordhiyey Fiigii laga qaadi jiray.

muuqaalka jaamacadda hargeysa

Ardayda  qaar ka mid aya xidhna mudo todobaad ah iyaga oo ay  ciidammada ammaanku ku  qabteen muddahaaradka ay ku muujinayeen siday uga xun yihiin in wakhtiga lagu kordhiyo lacag qaar mid class-yada  jamacadda oo ay ku tilmaameen inay tahay wax ka fog cadaalada iyaga  sobob uga dhigay inan lagu kordhin ardayda ku jirta afarta sano ilaa sadex sano ee dhigta jamaacadda ardaydii lagu qabtay mudaharaadka ayaa ku jiray saldhig –yada mudo todobaada ah waxa dadaal ka galay sidii loo soo dayn laha walidintiina dhalay ubadka xidhan.

Guddoonka jamacada hargeisa ayaa ku adkaystay kordhinta lacagta cusub ee ay ku kordhiyeen ardayda ku jirta mudada labad- sanadood ah oo gaadhaysa $ 30  halka horay looga qaadi jiray semester-ka $180 maamulka jamacada  iyaga  oo sobob uga dhigay in kor loo qaadayo tayada warbarshada jamacadda  iyo macaliniminta wax u dhiga ardayda.

Haddaba, waxan arintan ka wareysanay Guddoomiye ku Xigeenka Jamaacadda Hargeysa Prof.C/salan Yasin oo aan wax ka waydinay wax xiligan keenay kordhinta lacagta qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jamaacaadda iyo sidii  loo xalin laha cabashada ardayda oo gaadhay inay joojiyaan waxbarashadii  Gudoomiyaha oo faahfaahinaya waxa uu yidhi kordhinta lacagta cusub.

Weriye Xasan Faarax Qamaan

Hargeysa/Somaliland.

Aftahannews.com.