Dowladda UK oo dhaqaale maalyaddeed oo ku kacaya $29.2 million siinaysa Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday taageero cusub oo maalyaddeed oo ku kacaysa $ 29.2 million) oo loogu talo galay Soomaaliya, kadib booqashadii uu Soomaaliya ku yimid Wasiirka Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, James Duddridge.

Waa booqashadii ugu horreysay ee wasiir ka tirsan dowladda UK uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu billowday faafitaanka COVID-19.

Mr Duddridge ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaare Rooble. Waxayna ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la qabto doorashooyin wakhtigooda ku dhaca oo loo dhan yahay, iyo sidoo kale horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in UK ay si gaar ah u taageerayso arrimaha Amniga Soomaaliya, iyadoo ku bixinaysa $2.15 milyan si looga hortago khatarta ka imaaneysa qaraxyada miinooyinka lagu aaso wadooyinka.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay ciidamada Ingiriiska ee tababarada siiya ciidamada Soomaaliya, wuxuuna ku celceliyay taageerada UK ee Midowga Afrika si loo sugo loona ilaaliyo xasiloonida gobolka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.