Murashax Subeer Cabdiraxmaan oo Bulshada ugu baaqay in ay isdiwaan geliyaan

Hargeysa (Aftahannews)- Murashax Subeer Cabdiraxmaan Cumar oo kamid ah Murashixiinta u tartamaya Xildhibaanada golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, islamarkaana ah dhalinyarada Aqoonyahanka ah reer Somaliland, ayaa shacabka ku dhaqan caasimada Hargeysa ugu baaqay in ay isdiwaan geliyaan oo ay qaatana kaadhka codbixinta oo umihiim u ah inay wax doortaan soona xushaan cidii hagi lahayd masiirkooda hogaaminintooda.

Sidoo kale, Murashax Subeer ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay siyaasada iyo waxa ay tahay iyo sidii ay ugu dhaqmi jireen Islaamku, isagoona si qotodheer u sharaxay doorashooyinku iyo muhiimada ay u leeyihiin bulshada.