Dagaal Culus oo hada ka socda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo isgoyska Carwo Itko ee kala qeybiya degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigley. kaasi oo billowday daqiiqado ka hor.

Waxa la adeegsanayaa rasaaas fudud iyo baasuukayaal. Illaa iyo hadda ma cadda cidda dagaalamaysa.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay inay maqlayaan rasaas fudud iyo midka culus oo ay isku adeegsanayaan laba koox oo halkaas ku dagaalamaya.

Illaa iyo hadda xog rasmi ah lagama hayo labada kooxood ee dagaalamaya. Waxaan sidoo kale la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ku dhex-dagaala ciidamada dowladda Soomaaliya, inkasta oo ay suurta-gal tahay in dagaalkan ay dhinacyo kale ku lug leeyihiin.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa….

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.