Magacyada Xubnaha Hoggaanka Xisbiga Kulmiye loo doortay iyo Cidda ku cusub

Hargeysa(Aftahannews):- Ergada Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo shalay ka furmay Hargeysa ka soo qaybgalay, ayaa maanta oo maalintii labaad ee shirka ah doortay Hoggaanka shanta sano ee soo socda hoggaamin doona Kulmiye, waxaana Guddoomiyaha Xisbigaas loo doortay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo aanay cidi isla sharrixin.

Maxamed Kaahin Axmed, ayaa loo doortay guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiya, halka Guddoomiye ku-xigeenka labaad loo doortay Axmed Cabdi Dheere, sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga ayaa loo doortay Xuseen Aadan Cadde, waxaana xusid mudan in afartaas masuul mid kasta loo doortay jagadii uu hore uga hayey Kulmiye.

Hase-yeeshee, Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Kulmiye loo doortay Maxamuud Xasan Sacad Saajin, oo isagu ku cusub xilkaas oo uu hore ugu fadhiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Abdirahman Saylici oo isagu maalmo ka hor qabashada shirka u tanaasulay Saajin oo isla sharraxay. Sidoo kale, may jirin cid isla sharraxmay Masuuliyiintan hoggaanka Kulmiye loo doortay maanta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.