Ehelka Gabadh lagu Dilay Muqdisho oo sheegay in Dilka ka hor la Kufsaday

Muqdisho (Aftahannews) – Qoyska Gabadh ay ehelkeedu sheegeen in la kufsaday, kadibna lagasoo tuuray dabaq dheer oo ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, una geeriyootay falkaas ayaa waxay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in lasoo qabto dadkii ficilkaas ka dembeeyay.

Gabadha dhimatay oo da’deeda lagu sheegay 20 sano jir, ayaa waxay kamid aheyd ardayda sanadkaan u fadhiisatay imtixaankii dugsiga sare ee Soomaaliya.

Gacal Xuseen oo ah abtigeed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dembi baadhista booliska Soomaaliya ay u sheegeen qoyskooda in Gabadha la kufsaday, kadibna lagasoo tuuray dabaqa.

Ma cadda in gabadha markii hore la dilay, kadibna lasoo tuuray, waxaan Meydka Gabadha la geeyay cisbitaalka Madiina.

Gabadha dhimatay oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax ayaa waxa uu qaar kamid ah waalidkeed ay ku noolyihiin Galgaduud, waxayna Muqdisho u joogtay waxbarasho.

Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dembeeyay aad ugu soo badanayay falalka kufsiga iyo dilka isugu jira oo loo geysanayay dumarka, laakiin arrintaan ayaa walaac badan ku abuureysa dadka ku nool Soomaaliya.