Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in la fududeeyay weerarkii Xabsiga dhexe ee Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay jiraan shakiyo iyo suuragalnimada in la fududeeyay weerarkii xabsiga dhexe ee Muqdisho oo shalay ay geysteen qaar ka mid ah Maxaabiistii ku jirtay Xabsigaas, kuwaasoo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab.

Sii-hayaha Wasiirka wasaaradda caddaalada Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ka warramay dhacdadaasi, waxaanu shaki geliyay qaabkii weerarku u dhacay isla markaana carrabka ku adkeeyay inay jiraan dad fududeeyay in maxaabiista gacantooda hub galo.

Wasiirka caddaalada Soomaaliya, ayaa sheegay inay jiraan khasaare arrintaasi ka dhashay, hase ahaatee uu ka gaabsaday inuu faahfaahin intaa ka badan ka bixiyo iyo.

Wuxuu Wasiirku ballan-qaaday in baadhitaan dhab ah ay sameyn doonaan, ciddii lagu helana la korkeeni doono sharciga iyo caddaalada.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.