Somaliland oo Shaacisey inay markii ugu horreysay bixisay Kharashka Imtixaanaadka Shahaadiga ah 2020

Hargeysa (Aftahannews)- Agaasimaha maamulka iyo Lacagta ee Wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Ayaan Xaaji Yuusuf, ayaa sheegtay in markii ugu horreysay dowladda Somaliland bixisay kharashka imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo fasallada 8aad ee 2019/2020.

Agaasime Ayaan Xaaji Yuusuf, waxay sidaas ku sheegtay hadal ay ka jeedisay munaasibad lagu shaacinayay natiijada Imtaxaanaadka shahaadiga ah ee fasalada Afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8aad ee Dugsiyada dhexe ee Somaliland oo Isniintii maanta lagu qabtay Hargeysa.

Ayaan Xaaji Yuusuf, Agaasimaha maamulka iyo Lacagta,  ayaa si qoto dheer uga warrantay doorka ay ka maamul ahaan ka qaateen Imtaxaanaadka shahaadiga ah.

Haddaba, Hadalka Agaasime Ayaan arrimahaas kaga hadashay waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-