Ururka SOLJA oo Sharci-darro ku tilmaamay Ganaaxa ay Xukuumadda Biixi dul-dhigtay TV-da Star iyo Universal

GUDDOOMIYAHA SOLJA XUUTO

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Jaamac (Xuuto), ayaa canbaareeyay tallaabadda ay xukuumadda Somaliland ganaaxa lacageed ku dul dhigtay telefishanadda Star iyo Universal.

Waxaanu arrintaasi ku tilmaamay arrin qayrul-sharci ah, isla markaana baal marsan dastuurka, shuruucda iyo xeerarka saxaafadda ee Somaliland.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, waxa uu sheegay in aanay xukuumadu dariiq sharciya u marin ganaaxaasi lacagaleed ee ay labadda TV dul dhigtay.

Waxaanu tilmaamay Xuuto, in tallaabadaasi ay u arkaan mid ay xukuumadu ku qar-caqaladaynayso nidaamka hay’addaha dowladda, isla markaana aanay wasaaradda warfaafintu sharciyan ganaaxi karin hay’add warbaahineed oo gaar loo leeyahay.