DENI oo dalab deg-deg ah u diray dowladda JABUUTI

Garoowe (Aftahannews)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa ka dalbay dowladda Jabuuti inay si deg-deg ah ugu soo dirto qalab lagu nadiifiyo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya.

Deni ayaa xidhiidh dhanka taleefanka ah la sameeyey maareeyaha dekedda Jabuuti, wuxuuna ka codsasay inuu soo gaadhsiiyo taag iyo ciid saar, si loo nadiifiyo aaga ay ku soo xidhaan maraakiibta.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in maareeyuhu u sheegay inuu artintaasi la wadaagi doono madaxda dalkaas, kadibna ay u soo diri doonaan qalabka, weliba maalmaha soo socda.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii markab waday ganacsiyo kala duwan ay ku dhegtay ciid, isaga oo doonayey inuu ku xidho dekedda Boosaaso, kaas oo ku dhowaaday inuu soo caariyo.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo dood badan ay ka taagnayd dekeddaas, tan iyo markii ay la wareegtay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta, mana jirto illaa iyo hadda wax hormarin ah oo dekedda ay ku sameysay shirkaddaasi oo hore looga mamnuucay Soomaaliya, kadib go’aan ka soo baxay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.