Somaliland oo ka hadashay aragtideeda xilka qaadistii Khayre

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay go’aankii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu riday xukuumaddii ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa ka hadlay arrintaasi, wuxuuna sheegay in go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ahaa mid ay ka muuqato mas’uuliyad darro aad u weyn.

Wasiir Liibaan ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay la yaabtay sida fudud ee lagu riday xukuumaddii Khayre, taas oo uu xusay inay ka yaabisay adduunka oo dhan.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Somaliland ayna wax saameyn ah ku yeelan doonin is-bedalkaasi, islamarkaana uu Soomaaliya kala dhexeeyo kaliya wada-hadal.

Hoos ka daawo muuqaalka