Beesha Caalamka oo digniin culus ka soo saartay xil ka qaadistii Khayre

Muqdisho (Aftahannews)- Beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen walaac kaga muujiyey dhacdadii Sabtidii uu baarlamanka Soomaaliya xilka kaga qaaday ra’iisal wasaare xasan Cali Kheyre, waxayna ka digeen doorasho aan la isku raacsaneyn oo dadka lagu qasbo.

Qoraalka ayaa lagu yidhi “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaadho doorashooyin wakhtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaadhay arrimaha hortabinta u leh qaranka.”

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaadhan looga gaadho noocyada doorasho ee sannadka 2020ka, waxayna sheegeen in ay tahay sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaadheen magaalada Dhuusamareeb 22kii July, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaadho yoolkaas.

“Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaadhay magaalada Dhuusamareeb 22kii July iyo jadwalka wakhtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

“Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligii dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii aanu helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaadho u heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii  Dhuusamareeb.

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray:

*Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska,
Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay.