Dawladda Shiinaha Oo Hanjabaad Kaga Jawaabtay Heshiiskii Ay Wada Galeen Somaliland Iyo Taiwan

Muqdisho (Aftahannews)-Xukuumadda Waddanka Shiinaha ayaa iyada oo u duur xulaysa xidhiidhka Somaliland ku dhawaaqday in ay la yeelatay Jasiiradda Taiwan waxa ay shalay si rasmi ah u soo saartay qoraal kooban oo Hanjabaad iyo digiin u muuqda kaasi oo ay ula jeedday xaaladdan.

Safaaradda Waddanka Shiinuhu ku leeyahay Caasimadda Waddanka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa qoraal kooban oo ay xalay Fiidkii soo saartay kuna baahisay barta ay ku leedahay Mareegta xidhiidhka Bulshada ee Twitter waxa ay ugu gooddiday Somaliland iyada oo sheegtay in Taiwan ka mid tahay Waddanka Shiinaha cid kasta oo soo fara galisaana aanay marnaba aqbalayn.

Qoraalkaasi oo aannu idiin soo turjunnay ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Waligayo cidna uma ogolaanayno, dal, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uma ogolaanayno inay qayb ka mid ah dhulkayaga gaar uga soocaan xudduudda sharciyeed ee shiinuhu leeyahay. Wakhti kasta iyo si kastaba. Marnaba u dul qaadan mayno, Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha”.

“Adduunyada waxa ka jira Shiine kali ah waana dalka shiinaha. Taiwan waa qayb ka mid ah shiinaha. Dawladda Jamhuuriyadda dadka Shiinuhu, waa dawladda sharciga ah ee mataleysa dhammaan Shiinaha. Mid Shiine ah iyo Mid Taiwan ahi ma jirto waanan diiddanahay”.

Ugu dambayn qoraalka safaaradda Shiinaha ee Muqdisho waxa lagu yidhi: “Dalalka adduunka oo dhammi waxa ay aqoonsan yihiin dal kali ah oo la yidhaa shiinaha. Waxa aannu si adag u diiddanahay in ay jiraan wax la yidhaa laba Shiine. Waxaan ka soo hor jeednaa kooxaha u dhaqdhawaaqa madax bannaanida Taiwan, ciidamo iyo cid kasta oo hawlgallo noocan ah wadda”.

Dalalka Geeska Afrika Shiinuhu waxa uu saldhig weyn oo Milatari iyo Safaarad ku leeyahay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti sidoo kale waxa uu safaarad ku leeyahay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Waana dal ka mid ah dalalka Soomaalidu Ganacsiga ugu weyn la leedahay.