Gabadhii Muslimtay Oo Buuqeeddu Gaadhay Baarlamaanka Talyaaniga

Filed under: Wararka |

Roma (Aftahannews)-Xildhibaan ka tirsan garabka midig ee dalka Talyaaniga ayaa canaanweyn la kulmay Arbacadii kaddib markii uu Argagixiso cusub ku tilmaamay haweeney da’ yar oo u dhalatay Talyaaniga, taasoo diinta Islaamka qaadatay intii ay afduubka u heysteen koox Soomaali ah.

Alessandro Pagano, oo ah mudane baarlamaanka u matalaya xisbiga qaxootiga neceb, ayaa cambaareyn weyn kala kulmay xildhibaannada kale kaddib markii uu soo hadal qaaday Silvia Romano, mar uu ka cabanayay diidmada ay dowladda ilaa hadda ku furi la’dahay kaniisadaha, xilligan lagu jiro xayiraadda uu sababay cudurka coronavirus.

Pagano wuxuu sheegay in “fikir diin naceyb ah” uu ku jiro xukuumadda isbahaysiga ah ee hadda dalka Talyaaniga maamusha, wuxuuna intaas ku daray in “sidaasoo ay tahay markii ay gabadha argagixisada cusub ah dalka dib ugu soo laabatayna…”

Hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu ku durayay go’aanka ay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda ku salaameen Silvia Romano, islamarkii ay garoonka diyaaradaha kasoo dagtay.

Hase ahaatee, sii hayaha xilka guddoonka shirka baarlamaanka, Mara Carfagna, ayaa durba si dhakhso ah hadalka uga xidhay Pagano, isagoo dhahaya: “Adeegsiga erayga ‘argagixiso cusub’ waa khalad, gaar ahaan golahan dhexdiisa”.

Xildhibaanka kasoo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga ah ee lagu magacaabo Emanuele Fiano, ayaa isagana hadalka qaatay oo aad u cambaareeyay Pagano, wuxuuna ku canaantay eedeynta uu u jeedinayo gabadha dhibbanaha ahayd ee ay afduubka ku heysteen koox argagixiso lagu tilmaamo.

“Waxay ahayd maxbuus gacanta ugu jira koox argagixiso ah!” “Waxay ahayd maxbuus gacanta ugu jira koox argagixiso ah!” ayuu ku celceliyay isagoo qeylinaya.

Pagano ayaa markii dambe is difaacay, isagoo sheegaya inuu eraygaas kasoo xigtay wargeys.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte wuxuu digniin u jeediyay qof kasta oo isku daya inuu siyaasadeeyo arrimaha la xiriira haweeneydaas da’da yar.

“Qof walba oo faafinaya warar ku saabsan gabdhaas, ha sheego in in iyadoo 23 jir ah lagu afduubtay Kenya, lagu khasbay inay dhul howd ah ku lugeysto sagaal saacadood maalintii, oo waliba qori caaraddiis lagu khasbayay,” ayuu yidhi Conte oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay hadallada naceybka ah ee laga faafinayo haweeneydaas.

Giuliana Sgrena, oo ah wariye u dhalatay Talyaaniga oo Ciraaq lagu afduubtay sanadkii 2005-tii ayaa sheegtay inay eedeymo badan la kulantay markii ay dib ugu laabatay waddankeeda, maadaama askari Talyaani ah lagu dilay howlgalkii lagu soo badbaadinayay iyada”Way iska caddahay in la xagxaganayo marba haddii ay dumar tahay qofka la afduubtay,” ayey tidhi iyadoo la hadleysay Idaacadda RSI”Ma jiro qof cabanaya markii lacag madax furasho ah laga bixiyo nin la afduubtay, ama uu nin aado meelaha noocaasoo kale ah. Laakiin markii ay haweeney tahay, waa sidii annagoo afduubka raadsannay oo kale.”

Silvia Romano, 25 jir ah waxay Axaddii ka dagtay Talyaaniga iyadoo xiran xijaab cagaaran, oo u eg haweeney Soomaali ah.

Waxaa lagu soo warramay inay dacwad oogeyaasha ku sugan magaalada Rome u sheegtay inay diinta Islaamka qaadatay intii lagu guda jiray muddadii 18-ka bilood ahayd ee afduubka loo heystay, xilligaasoo la aaminsan yahay inay gacanta ku hayeen koox ka tirsan Al-Shabaab.

Sii deynteeda oo iyada iyo qoyskeedaba farxad weyn u ahayd ayaa lagu hareeyay muran la xiriira fikirka ay qaadatay intii ay xirneyd, iyadoo dadka waddankeeda u dhashay ay siyaabo kala duwan uga fal-ceeliyeen.

Talyaaniga, oo ah waddan inta badan dadkiisu ay heystaan diinta masiixiga ayaa horay waxaa cunsuriyad ugala kulmay dad diimo kale ku dhaqma oo ay ku jiraan kuwo soo galootinnimo ku tagay halkaas, sida ay qoreen warbaahinta dalkaas.

Booliska ayaa loo yeedhay kaddib markii la sheegay in galaas dhalo ah lagu tuuray guriga ay iyada iyo qoyskeeda ka daggan yihiin magaalada Milan.

Hadallada naceybka loogu muujinayo gabadhan ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana inta badan diiradda lagu saarayay go’aanka ay ku qaadatay diinta Islaamka iyo sidoo kale go’aankii ay markii horeba si mutadawacnimo ah uga shaqeyneysay meel ka tirsan Kenya, oo miyi ah, xilligii la afduubanayay sanadkii 2018-kii.

You must be logged in to post a comment Login