Muqdisho(Aftahannews):- Tirada Dadka laga helay Cudurka Covid-19 iyo inta u dhimatay, ayaa sii korodhay Dalka Soomaaliya, sida ay Wasaaradda Caafimaadka Federaalkau shaacisay Isniinta 4-ta May 2020.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Warbixinteeda maalinlaha ah ee xaaladda Covid-19 ay kaga warranto Isniintii maanta ku sheegtay inay 24-kii saac ee u dambeeyey Soomaaliya ka diiwaangeliyeen 34 Qof oo Covid-19 laga helay, halka ay sidoo kale sheegtay Wasiirku in 3 Ruux oo cusubi u geeriyoodeen xanuunka, halka ay ka bogsadeen 17 Qof oo kale.
Sidoo kale, Wassiir Fowsiya Abiikar, waxay sheegtay in kiisaska u badan ee 34ka qof laga helay magaalada Muqdisho, iyadoo 27 laga diiwaan-geliyay, halka 7 Ruuxna laga helay Dowlad-goboleedka Puntland.
Tirada guud ee Dadka xanuunka Covid-19 laga helay Dalka Soomaaliya, ayaa maraysa 756 Qof, halka dhimashadu gaadhay 35 Ruux, isla markaana ay cudurka ka ladnaadeen 62 Qof, sida ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka federaalka Soomaaliya.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Somalia.