Wasiir Hinda: Derbi-jiifkii Daryeelka Ku Mutaysatay Lix Bilood Oo Xabsi Ah

Hargeysa( Waaberi) Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay 20 dhallinyaro derbi jiif ah oo laba cisho  ka hor laga soo xidhay afaafka hore ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Somaliland. Dhallinyarada oo la sheegay in ay cabasho ah in wax loo qabto la hor tageen wasaaradda ayaa lagu eedeeyay arbushaad xafiis iyo in ay mukhaadaraad isticmaalayeen waxaana xukunkaas sharci darro ku tilmaamay bahda xuquuqal iisaanka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Marwo Hinda Gaanni oo ka hadashay xukunka dhallinyaradan ayaa sheegtay in ay dhallinyaradu ammaanka khalkhal galinaysay “May ahayn in annaga naga cawdeen, dadkaasi waxay ahayeen niman qaan-gaadh ah oo da’doodu ay 18 kor u dhaaftay waxaana cadaysay xeer ilaalinta iyo Maxakamadii xukuntay, Maxakamaduna waxay u dhisan tahay xaq siinta xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka aan muwaadiniinta ahayba, sidaa darteed maaha meel ay adeegsan karto Wasaaradu oo iyadu waxay rabto marsiiso maaha,” sidaas ayay tidhi wasiirka oo Bulsho Tv la hadashay.

Wasiirka ayaa iyada oo haddalkeeda sii wada ta intaasi ku dartay “Xeer ilaalintuna waxay soo oogtay oo ay keenta Maxakamada horteeda Faashashkii, birihii iyo xabagtii ay isticmaalayeen, dadkaasi guud ahaan waxay ahayeen dad khal-khal ammaanka ku ah sidoo kalena dhaqanka wanaagsan ee aynu leenahay ka luminaya caruurta yar yar ee guryahooda ka yimi , isla markaana bara daraagiska oo ay xabagtu kow ka tahay, sidaa awadeed ayaa waxa loo xukumay dhaqan celin lix bilood ayaa la xukumay.”Ayey tidhi wasiir Hinda.

Wasiir Hinda waxay ku dooday in dhallinyaradaas jeelka loo qaaday iyaga oo wasaaradda u mahadnaqaya labadii cisho ee ay xabsiga ku jireen “Intii ay ku xidhnaayeen saldhigga waxaanu u gayn jirnay masaariifta, markii xukunku ku dhacayna dhammaantood waxaanu u iibinay dhar, waxaanu u iibinay dacas, waxaanu ka xiirnay timaha, waxaanu iibinay  go, macawis iyo caw ay ku seexdan waxaanay tageen (Jeelka) iyaga oo runtii wasaaradda u mahadnaqaya marka taas ayaa ahayd doorkii wasaaraddu lahayd waxaanan rajaynaya in ay soo baxaan iyada oo wax badan dhaqankooda iska bedelay,” Sidaas ayay tidhi wasiirku.

Garsoore Yaxye Xuseen Yusuf oo ahaa gorsoorihii xukumay dhallinyarada ayaa isna sheegay in maxkamaddu ku qanacday caddaymihii la keenay oo ahaa mukhaadaraad lagu qabtay iyo in ay xafiis arbusheen “ Maxakamaddu markii ay dhegaysatay Dacwadda eedayasanayaasha ee loo soo gudbiyey maragyadeedii iyo Xabagtii ay wateen,, Maxakamadda Gobolka Maroodijeex waxay mid mid ugu akhriday eedii loo haystay ee ahayd mukhaadaraadka iyo arbushaad xafiis,waxaana dhammaan eedaysanayaasha ku cadaatay oo Maxakamadda horteeda qiraal ay ka hor bixiyeen inay Xabagtaa ay cabayeen, kadib Maxakamaddu waxay gashay inay baadho da’dooda waxaanay Maxakamadu 23-kii eedaysane sii deysay 3 eedaysane oo da’doodu ay yarayd, waxaanay Maxakamadd  xukuntay 20  eedaysane oo ay ku heshay Mukhaadaradka qodobka 21 aad ayaa lagu helay kadibna lix bilood oo xadhiga ah .”

Waxa uu sheegey Garsoorahanu inuu Qaranku dhibane ka ahaa iyo waliba wasaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland“Waxa dhibbane ka ahaa horta Qaranka ayaa dhibane ka ahaa,, waxa kale oo dhibbane ka ahaa Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha .”

Garyaqaan Mubaarik Cabdi ismaaciil oo ka tirsan hay’adda xuquuqal iisaanka madaxa bannaan ee Somaliland (HRC) ayaa sheegay in la marin habaabiyay kiiska carruurta, islamarkaana iyaga oo cabasho ah in bustayaal la siiyo lagu oogay kiis kale oo aan arrintaas khusayn “ Carruurtaasi wey cowdeen waxay u cowdeen Dowladooda iyaguna waa muwaadiniin ,waxay u cabanayeen Bustayaal ay huwadaan, marka Bustayaashii ay u huwan lahaayeen ay u cabanayeen ayey wasaaradii ay tidhi rabshad ayey sameeyeen ee ha la xidh-xidho, markaa waxay ahayd in cabashadooda laga jawaabo,” Sidaas ayuu yidhi Mubaarik oo la hadlay Goobjoogtv.

Waxa uu sheegay in arrintu ku dhannayd in xukuumaddu wax u qabato dhallinyarada haddii aanay waxba u qaban Karin u fasaxdo noloshoodii hore. Islamarkaana aanay meeshaba ool dambi dhacay iyo wax la isku xidho toona.

Xigasho Waaberi