Arsenal Oo Iska Xaadirisay FA CUP, Xilli Xasuuq U Gaystay Man.City

Arsenal ayaa u gudubtay finalka tartanka FA Cup kaddib markii ay si xun uga aargoosatay Arsenal isla markaana ku garaacday 2-0.Mikel Arteta iyo xiddigihiisa oo xasuustaa guul-darradii 3-0 ahayd ee bishii June ay Man City u xambaarisay ayaa qaab xooggan ciyaarta ku bilaabatay, waxaana qaybtii hore gool u dhaliyey Aubameyang oo garab ka helayay Nicolas Pepe, waxaana lagu kala nastay 1-0.Qaybtii labaad ayay Arsenal hoggaanka sii dheerayatay, waxaana gool labaad u dhaliyey weeraryahanka reer Gabon ee Aubameyang oo sidoo kale ku dhowaaday inuu goolal kale shabaqa taabsiiyo.Manchester City ayaa fursadihii ay samaysay waxa ka diiday goolhaye Emiliano Martinez iyo difaaca Arsenal oo si weyn ugu diyaarsanaa ciyaartan. Sidoo kale, rikoodhe ay Sky Blues ku doodday oo laga soo hubiyey VAR ayaa waxba kama jiraan laga dhigay.Arsenal ayaa finalka la ciyaari doonta Manchester United iyo Chelsea oo Axadda wada ciyaaraya midkooda soo badiya, waxaana uu kulanka finalku dhici doonaa August 1.Foden, Bernardo Silva, Fernandinho, Stones iyo Otamendi ayuu Guardiola kaydka dhigay, waxaanu soo qaddimay Mahrez, Sterling, De Bruyne, Laporte iyo Garcia oo dhamaantood uu nasiyey kulankii ugu dambeeyey.

Arteta ayaa isaguna isbeddel ku sameeyey kooxdii uu kaga soo hooyey kulankii weynaa ee Liverpool, waxaanu tuuray Nelson oo goolka guusha u dhaliyey, Cedric Soares, Holding, Torreira iyo Saka, isaga oo soo qaddimay Aubameyang, Bellerin, Mustafi, Ceballos, iyo Maithland-Niles.Arsenal oo sagaal ka mid ah 12kii jeer ee ugu dambeeyey ee semi-finalka timid iska xaadirisay finalka, ayaa kalsooni kusoo gashay, waxaanay rumaysnayd in kaliya saddexda sannadood ee 1999, 2004 iyo 2009 ee ay gudbi kari waayeen ay markan tahay waqti laga soo gudbay oo ay niyadda gashanayaan in guulahoodu ka badan yihiin.Manchester City ayaa bilowgiiba ku dhowaatay inay ciyaarta hoggaanka u qabato, waxaana dhinaca bidix kubadda kala soo galay Sterling oo ay wada xidhiidhayeen Silva, laakiin Tierney ayaa Arsenal u baxay.Arsenal ayaa markeeda heshay fursad kale oo caddaan ah. David Silva ayaa baas qurux badan ciyaartoyda City uga dhex-saaray Aubameyang oo ay isku kaliyeysteen goolhayaha, laakiin waxa uu weeraryahanka reer Gabon oo aan fiirsi badan samayn uu go’aansaday inuu laago kubadda, waxaase uu si toos ah ugu hagaajiyey Ederson.

Aubameyang ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal, waxaana kubbad uu ka helay Pepe oo dhinaca midig uga soo qaaday uu ku hubsaday shabaqa City, iyadoo kubadda oo uu isku tuuray ay birta kusoo dhacday ka hor intii aanay goolka gelin.Goolkan ayaa waxa uu markiiba Arsenal xasuusiyey in ciyaartii ugu dambaysay ee ay Manchester City ku garaaceen ay ahayd semi-finalkii FA Cup ee sannadkii 2017, ka hor intii aanay finalka ku garaacin Chelsea.

Ka hor intii aanu goolku dhalan, waxay Arsenal isku soo dhiibtay kubadda 18 baas iyadoo ay 11ka ciyaartoy ba wada taabteen ka hor intii aanu Aubameyang goolka dhalin.Daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore ayay Manchester City samaysay fursad ay ugu dhowaatay inay ciyaarta barbarro ka dhigto, laakiin waxa uu isfaham wanaagsan ka dhexeeyey difaaca oo jeejignaantii kulankii Liverpool oo kale ku jiray, waxaana qaybta hore ay kusoo dhamaatay 1-0 ay Arsenal hoggaanka ku haysay.

Qaybta labaad markii lagu soo noqday ee ay saddex daqiiqadood oo kaliya socotay ayuu Raheem Sterling ku dhowaaday inuu goolka koowaad u dhaliyo kooxdiisa, laakiin kubadda oo uu usoo dhiibay De Bruyne ayaa ka dallacantay.Kevin de Bruyne oo laag xor ah kasoo tuuray laynka agtiisa ayaa kubadda kasoo dulqaaday ciyaartoyda Arsenal ee derbiga isku-dhigga ah sameeyey, waxaanay waxyar dhinaca midig ka birtay goolka uu waardiyaha ka ahaa goolhaye Emiliano Martinez.

Daqiiqaddii 65aad ayay Manchester City ku doodday rikoodhe, kaddib markii uu xerada ganaaxa ku dhacay Raheem Sterling oo ay ku dhacday lugta Mustafi, laakiin garsooraha ayaa go’aamiyey in la dhigo koorne, hase yeeshee si loo qanciyo Manchester City, waxa looga soo hubiyey VAR oo ugu dambayntii caddaysay in aanu qalad dhicin. Man City ayaa aad ugu dhowaatay goolka barbarraha markii uu De Bruyne soo laagay koornihii lagu beddelay rikoodhaha, laakiin kubadda oo ku dhacday Sterling ayaa waxa si degdeg ah ugu soo booday goolhaye Martinez.

Aubameyang ayaa daqiiqaddii 71aad gool labaad u dhaliyey Arsenal, waxaana kubbad looga soo dhiibay badhtamaha garoonka uu kala soo dheereeyey difaaca City oo weerar qoondaystay, waxaana sidii uu ula soo socday uu ka dhex-saaray labada lugood ee goolhaye Ederson.