Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo Farriimo ka Diray Masjidka Isbahaysiga oo ay Shacabka kula Tukadeen

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO RAYSAL-WASAARE KHAYRE OO SHACABKA MUQDISHO LA TUKADAY CIIDDA, FARRIIMANA U DIRAY 25 JUNE 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan Shir-guddoonka Aqallada Baarlamaanka, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Masuuliyiin kale, ayaa Shacabka Salaaddii Ciidal-fidriga Axaddii maanta kula tukaday Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO RAYSAL-WASAARE KHAYRE OO SHACABKA MUQDISHO LA TUKADAY CIIDDA, FARRIIMANA  U DIRAY 25 JUNE 2017
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO RAYSAL-WASAARE KHAYRE OO SHACABKA MUQDISHO LA TUKADAY CIIDDA, FARRIIMANA U DIRAY 25 JUNE 2017

Madaxweynaha, ayaa salaada ka dib, Khudbad uu Masjidka ka jeediyey kula dardaarmayey Shacabka Soomaaliyeed, waxaa uu sheegay in Ramadaantan dhammaatay ka duwanayd kuwii ka horreeyey marka loo eego dhinaca amniga sida uu ku dooray Farmaajo. Balse weerarro iyo Qaraxyo badan baa jiray oo Muqdisho ay Al-Shabaab ka geysatay weliba labadii toddobaad ee ugu dambeeyey Ramadaan.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidada, waxaana uu ugu baaqay  in ay si buuxdo uga qeyb qaataan soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ee dhibka ku hayo Bulshada Soomaaliyeeda.

Sidoo kale, Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa isaguna farriin iyo hambalyo u diray Bulshada, waxaanu yidhi; “Waxaan halkaan hambalyo ku aaddan CiiddaFidriga uga soo jeedinayaa shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan Muslimiinta adduunka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku leeyahay ku ciida nabad iyo farxad. Waxaan Illaah ka baryayaa in aynu ciiddan ciideeda ku gaarno, nabad iyo horumar.”

Ra’iisal-wasaare Khayre, ayaa sheegay in Ciidan ay ku soo beegmeyso xilli horumar laga sameeyey amniga dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda, Isla-markaana dadaalada geedi-socodka dawlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya ay marayaan meeshii ugu wanaagsanayd, iyadoo sannadba sannadka ka danbeeya uu dalku ka soo hagaagayo oo aan marna dib loo noqon doonin. Waxaanu ku baaqay in nabad-diidka iyo argaggixisada dhinac looga soo wada jeesto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia/Office.