Talyaaniga oo ka hadlay Tahriibayaal Afrikaan ah oo ay badbaadiyeen

Roma(Aftahannews):- Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay inay ilaa 4,000 oo muhaajiriin ka soo badbaadisey Badda Mediterranean-ka labadii maalmood ee la soo dhaafey, waxayna dalbatey in Yurub ay fidiso dadaal ballaaran oo la xiriira sidii dhibaatadan loo xalin lahaa.

25D5F53B-4790-41BA-83DA-E65042DB360A_w268_r1

Wasiirka Arrimaha Gudaha Angelino Alfano ayaa Raadiyaha qaranka ee Talyaaniga u sheegay in xaaladda muhaajiriinta u baahan in deg-deg loogu gurmado ay sii xumaaneyso, isla markaana ay doonyaha imanaya tiradooda ay sii kordheyso.
 
Waxaa uu Midowga Yurub ka dalbadey inay kordhiyaan ilaalinta biyahooda, isagoo intaa ku darey in tobanaanka million ee dollar ee la isticmaaley aaney waxba ka qaban xalinta dhibaatadan.
 
Alfano waxaa uu dhaleeceeyey, kuwa soo abaabula safarrada dhibka iyo khatarta badan ee dadka ka soo gudbiya badda Waqooyiga Africa, isagoo ku tilmaamey inay yihiin “ganacsatadii dhimashada.”
 
Kumanaan qof u dhashey Africa ayaa sannad kasta naftooda khatar geliya, iyagoo isku dayaya inay galaan Yurub, iyagoo sii dhexmaraya jasiiradaha Talyaaniga. Dadkani badankooda ayaa ka soo carara dagaalo, fak.

Source VOA.