Xasan Sheekh iyo Prof: Jawaari oo kulammo la yeeshay Maamullada isku magaca ah ee laga dhisay Baydhabo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa bilaabay inay kulammo kala gaargaar ah la yeeshaan Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta labada Maamul ee isku magaca ah ee lagaga dhawaaqay Baydhabo.

JAWAARI IYO XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa iyagu shalay gaadhay Baydhabo, halkaasoo lagaga muddaharaaday, dadka qaarkoodna ku soo dhaweeyeen, hase-yeeshee Muddaharaadkaas ayaa sababay cabsi ah inay Madaxweynaha iyo Weftigiisu u yeedhaan Guddoomiyaha Baarlamanka oo Baydhabo ka soo jeeda, halkaasoo ay Jawaari iyo Xildhibaanno uu hoggaaminayaa fiidkii xalay gaadheen, isla markaana dejiyeen xaaladda.

Dejintaas ka dib waxaa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  u suuragashay inay kulammo kala duwan la yeeshaan Siyaasiyiinta, Wax-garadka, Odayaasha Dhaqanka iyo Masuuliyiinta labada Maamul-g0boleed ee wadaaga Magaca Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya oo midkood toddobaadkan Madaxweyne lagu doortay hore loogu eedeeyey inay dawladda Soomaaliya taageersan tahay halka ay Maamulka labaad oo bishii hore Madaxweyne halkaas loogu doortay ay dawladdu ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo aanay aqoonsanayn.

Kulanka oo ah mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa wuxuu ka socdaa xerada 60-aad oo ku dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo ay deggen yihiin madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ergooyinka iyo siyaasiyiinta ay kulanka la leeyihiin mas’uuliyiinta dowladda Somalia ugu sarreysa ayaa laga soo xulay xubnihii wax ka dhisay maamulka lixda gobolka ee Koonfur-galbeed, iyadoo kulanku uu socdo haatan muddo saacado ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa saakay la kulmay mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed, kuwaasoo guddi u soo xulay inay kulankan gaar ah ay la yeeshaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo xalay ku hoyday Baydhabo.

Sidoo kale, dadweyne reer Baydhabo ayaa waxay tuban yihiin illinka hore halka uu ka socdo shirka ay leeyihiin ergooyinka, siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda, kuwaa oo sugaya natiijada kasoo baxda kulankan ay albaabbadu u xiran yihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka yaa isku dayaya inay xal ka gaaraan muranka maamul-sameynta ee waayadan Baydhabo ka jiray, balse lama oga in kulanka la isku fahmi doono iyo in kale.

Dhanka kale, kulanka kaddib ayaa lagu wadaa madaxweynaha iyo guddoomiyuhu in ay la kulmaan xubnihii iyaguna dhistay maamulka saddex gobol ee dhawaan looga dhawaaqay Baydhabo.

Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa weli kacsan, iyadoo qorshaha la doonayo in xal looga gaari muranka maamullada u dhexeeya ee Baydhabo ka kooban ayaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xal ka gaaristooda.

Dadweyne dibadbax kooban ka dhigay Baydhabo ayaa maanta jirdil u geystay mid ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada, kaasoo ka tirsan Univertal TV oo ah telefishin ku hadla afka Soomaaliya oo xaruntiisu tahay magaalada London.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.