“Kama Tanaasulayo, Magta Ragga iyo Dumarku waa isku mid, Islaamkuna..” Sheekh Maxamed X. M. Xiiray

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyihii hore ee Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ay shalay Xubnaha Guddigu sheegeen inay xilkii ka qaadeen, ka dib markii uu sheegay inay Magta Ragga iyo Dumarku isku mid tahay, ayaa maanta ka hadlay xilka laga qaaday iyo sabata lagag qaaday, waxaanu sheegay inaanu ka tanaasuli doonin si kasta oo loo fasilo in Magta Ragga iyo Haweenku isku mid tahay.

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Hargeysa, ayaa sheegay inaanu Islaamka, Kitaabka iyo Sunnaha sugan ee Nebi Muxamed (S.C.W) ee sexeexa ahi aanay kala soocin Magta Ragga iyo Haweenka. Waxaanu sidaa ku shaaciyey markii labaad oo uu maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Halkan hoose ka daawo Sheekh Maxamed oo ka hadlaya arrintaas, qodobbo kale oo diini ah iyo sababta keentay xil-ka-qaadistiisa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.