Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay ujeeddada Kulan ay Albaabbadu u xidhnaayeen oo ay gelinkii hore ee Isniinta Maanta ku yeesheen Xarunta Golahaas ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay sheegeen inay kaga wadahadlayeen oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka oo diyaarinteeda intii badnayd la dhammaystiray.
Haddaba, waxay ka wadahadleen iyo halkay hawsha Miisaaniyadda diyaarinteedu marayso, waxaannu Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.