Korneyl Caarre oo ku hanjabey in uu jawaab ka bixin doono dagaalkii lagu qaaday Jabhadiisa

Qardho (Aftahannews)- Koryel Caarre ayaa waxaa uu si adag uga hadley dagaal dhawaan buuraleyd gobalka Sanaag ku dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo ciidamo ka tirsan maleeshiyaadkiisa firxadka ku jira, waxaana uu ku hanjabey inuu jawaab ka bixin doono dagaalkaas ay ku bilaabeen ciidamada qaranka Somaliland.

Kornaylka Caarre ayaa ku hanjabey in wadooyinka la mari waayo isla markaana la bilili qeysan doono baabuurta dawlada isla markaana la bar tilmaameesan doono masuulyiinta xilalka ka haya xukuumada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Korneyl Caarre ayaa waxaa uu fariin u soo diray Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana uu sheegay in dagaal si fudud loo bilaabi karo balse aan si fudud loojoojin Karin.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka