deg-deg: Qalbi-dhagax oo Somaliland ka codsaday xal u raadinta dhibaatada Soomaalida

Hargeysa (Aftahannews)- Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Jabhada ONLF oo maalintii shalay ahayd magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay ayaa waxa uu maanta kulano gooni gooni ah la qaatay mudanyaasha golaha Wakiilada iyo Guurtida Somaliland.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo isna warbaahinta la hadley ayaa waxa uu sheegay in ujeedka iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen labada gole ay ka mid tahay is dhex galka Soomaalida meel kasta oo ay joogto waxaana uu xukuumada Somaliland ka codsaday in gacan wayn ay ka gaystaan xalinta meelaha Soomaalidu degto ee ay dhibaatooyinka ka taagan yihiin.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka