Xaaladda Magaalada Jigjiga oo degan, Kadib rabshadihii ka dhacay

Jig Jiga (Aftahannews)- Waxaa degan xaaladda magaalada Jigjiga kaddib iska hor imaadyo shalay halkaasi uu ku dhexmaray dhalinyaro taageersan ONLF iyo kuwa kasoo horjeeda.

Maamulka Deegaanka Soomaalida ayaa ku eedeeyay dad taabacsan nidaamkii hore inay ka dambeeyeen rabshadaha shalay ka dhacay Jigjiga oo uu ku dhawaacmay ugu yaraan hal qof.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa booliska ammar ku siiyay inay tallaabo ka qaadaan cid kasto oo amniga carqaladeeynayso.

 

Halkan hoose ka dhagayso xaalada Jig Jiga