Dhismaha Waddo 60KM ah oo isku xidhaysa Balli-Cabane iyo Hargeysa oo la bilaabay

Hargeysa (Aftahannews)- Dhismaha Waddada isku xidhi doonta Degmadda Balli-cabane ee gobolka Hawd Iyo Magaalo Madaxda Gobolka Marodijeh ee Hargeisa ayaa si Rasmi Ah Loo Bilaabey. Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ujeedkeeduna uu ahaa furitaanka bilawga waddada wajiag hore oo isku xidhaysa Degmadda Balli-cabane iyo Degmadda Sayla ayaa ku qabsoontay Degmadda Bali Cabani.

Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qab-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Qaranka, MD Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasiin Maxamuud Shire, Maayirka Degmada Balligubadle Cabdi IIman Jaamac, Madax dhaqameedka & Suldaanka Deegaanka, xildhibbaano ka tirsan golaha deegaanka ee gobolka Hawd, taliyeyaasha booliska iyo asluubta ee gobolka Hawd, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo Waxgaradka kala duwan ee dhamaan Gobolka Hawd. Waddadan isku xidhi doonta Degmadda Balli-Cabne iyo Hargeisa ayaa ah waddo ay dadka deeganku baahi weyn u qabaan isla markaana ahayd waddo taariikhi ah oo kaalin weyn ka gaysatay dib u xoreyntii dalka. Waxay wadadani suuro gelinaysaa in si fudud loo gaadho cisbitaalada, iskuulada, magaalooyinka , suuqyada & goobaha ganacsiga ah ee Gobolka Maroodijeh iyadoo noqon doonta mid isku xidh weyn u samaysa Somaliland & Dalka Ethiopia, maadaama oo ay Degmadda Balli Cabane ku taalo xuduud muhiim u ah dalka.

Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle oo xafladda lagu dhagax dhigayay dhismaha wadadaasi laamiga ah hadal kooban ka jeediyay ayaa wuxuu yidhi “Degmaddani Waddo May lahayn oo wax badan baa ka maqnaa, waddaduna waa muhiim, waxaanay ka dhaxaysaa islaamka oo dhan. Magaalo aan lahayn meel loo maraana waa ayaan darro, waxaanan deeganka Gobolka Hawd, reerka haweenka beeshan degmada degan hadii ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibadaba ka codsanayaa in ay qayb weyn ka soo qaataan dhamaystirka WADADAN. Bulshda deegaanka, dhalinyarad iyo haweenka oo iyagu kaalin ka qaatay bilawga dhismaha wadadan, Waxaanan leeyahay sidaas aad maanta yeesheen ha kala hadhina ee hawsha nala wada. Waxaan u mahad naqayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Qaranka oo hawshan abaabulkeeda & isku xidhkeedaba leh. Guddida Waddada & dhamaan cid kasta oo kaalin ka qaadatay kana qaadan doonta waxaan leeyahay dadaalka libin laaba Illaahay ha idinla garab galee” ayuu yidhi Suldaanku.

Sheekh Albaladka Degmadda Bali Cabane Sh. Axmed Sh. Cabdiraxman Xuseen oo sika goobta ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Wadooyinka hagaagsani waxay kobciyaan dhaqaalaha, isku socodka, waxay yareeyaan shilalka iyo kharashka ku baxa dayactirka gaadiidka. Wuxu intaasi ku daray “Degmaddani muddo badan ayay go’odoon & waddo la’aan ay ahayd, waa wax Illaahay loogu mahadnaqo mar haddii aynu maanta u joogno bilawga Wadda Degmadda Bali Cabane ilaa Hargeisa”

Guddoomiyaha Degmada Bali Cabane oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Intii Guddoomiye ee soo martay degmada Balicabane aniga ayaa ugu nasiib wanaagsan, maadama aan u soo joogay dhismaha wadada Ballicabane Ilaa Hargeisa Caasimada Gobolka Maroodi Jeex isku xidhaysa” ayuu yidhi “Waxa aan balanqaadaynaa in aanu wadadan kala shaqayn doono Guddida Gacanta ku haysa, waana arrin farxad ah in la bilaabo dhismaha wadadaas isku xidhaysa Balicabane iyo Magaaladda Hargeysa” ayuu yidhi Duqa Magaaladda Baligubadle.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Odayaal iyo Haween ka soo jeeda Degmadaasi kuwaas oo balanqaaday in ay u hagar baxayaan sidii loo dhamaystiri lahaa dhismaha wadadaasi.

Sh. Cabdiraxmaan oo ka mid ah odayaasha Degmadda Sayla oo bilawga munaasabadaasi ka hadlayay ayaa yidhi “Waa wax Illaahay loogu mahadnaqo in aanu maanta u joogno daahfurka waddo ay wax ka qabashadeeda ugu dambaysay 30 sanno ka hor, waxaan balan qaadaynaa in aanu qayb ka noqon doono bilawga waddadan haddii Illaahay Idmo”

Caaqil Axmed Raan oo isna ka mid ah dadkii halkaasi ka hadlay ayaa dadka deegaanka iyo waliba Somaliland inteeda kale ugu baaqay in ay ka qayb galaan dhismaha Wadada Balicabane.

Gunaanadkiina Badhasaabka Gobolka Hawd Yasiin Maxamed Shide oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anaga Ka Dawlad Dhexe ahaan marka hore agaasimaha ayaa na metalayay, haddii aan anigu joogana wixii qaadhaan ah ee aanu ku daraynaa waa naga diyaar min madaxweyne ilaa iyo xukuumad” ayuu yidhi. Wuxuu intaasi ku daray “Waddadani maanta waa ay diiwaan gashan tahay, si rasmi ahna waxay liiska ugu biirtay maanta oo ay ka mid tahay waddooyinka qaranka ee sidda Ceerigaabo, Balli Gubadle, Alaybaday oo waxa la odhanayaa Waddada Balli Cabane ilaa Hargeisa”.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.