Guddiga Somaliland ee Wadahadalka Soomaaliya oo bilaabay wada-tashi ay isugu diyaarinayaan Wejiga Lixaad

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Somaliland u qaabbilsan wadahadallada u socda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa maalmihii u dambeeyey waday kulummo wada-tashi iyo rayi-urursi ah oo ay ugu diyaar-garoobayaan mid ka mid ah wadahadallada labada dhinac u socda oo bilaha soo socda la filayo inuu qabsoomo.

gggg

Guddiga Somaliland u qaabbilsan wadahadalka Soomaaliya, waxay sheegeen inay isu-diyaarinayaan wejiga lixaad ee wadahadallada u socday labadaas dal, kaasoo loo qorsheeyey in lagu qabto waddanka Turkiga oo isagu marti-geliyey wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo wejigii shanaad ee u dambeeyey magaalada Istanbul ee dalkaas lagu soo gebo-gabeeyey 18-kii bishii koowaad ee sannadkan aynu ku jirno.

Xubnaha Guddiga oo maanta kulan ku yeeshay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xubin ka ah Guddigaas waxay Weriyeyaashu weydiiyeen su’aalo ay ka mid ahayd waxa soo kordhay ee ay Guddigoodu kulanka ka yeesheen iyo waxay kaga wadahadleen.

Waxaanu Wasiir Xirsi oo su’aashaas kaga jawaabay oo uu yidhi; “Inaanu u sii diyaar garawno oo wax iska sii waydiino wada hadalada soo socda ayuunbay khusaysay oo shaqo maalin leh ah oo noo socotay ayay ahayd, markaa wuxuu wasiirka khaarajigu noogu yeedhay inaanu is waraysano dadka kale ee Reer Somaliland ahna wixii talo iyo tusaale ay hayaan aanu waydiino oo aanu la wadaagno.”

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.