Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya oo kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland

Addis Ababa(Aftahannews):- Hoggaamiyaha Maamul-goboleedka Jubaland ee Koonfurta dalka Soomaaliya Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ayaa kulan la yeeshay maanta Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya Dr.Tedros Adhanom, kaasoo lagaga wadahadlay dhawr arrimood oo kala duwan.

201434635295171369589292Tedros iyo Madobe

201434635295169933884325Madobe Vs Tedros Today

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa lagu sheegay in kulankaas si gaar ah loogaga wadahadlay waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii bilo ka hor Addis Ababa ku dhex-maray dawladda faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubba.

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa la sheegay in u jeedka uu u yimid Addis Ababa ay tahay sidii loogu qancin lahaa in isaga iyo maamulkiisa ay wareejiyaan dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Ksimaayo sida markii horeba lagu heshiiyay.

Wasaaradda arrimaha Itoobiya si rasmi ah uma caddayn in Sheekh Axmed Madoobe iyo Maamulkiisu ay aqbaleen dhammaystirka heshiiskii labada dhinac dhex-maray bilo ka hor ,iyadoo ay jirto xiisad u dhaxeysa maamulkaas iyo waliba  dowladda Soomaaliya.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.