Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya oo Ku Hanjabay is-casilaad iyo Sababta Keentay

ABIY AHMED RAYSAL-WASAARAHA FEDERAALKA ITOOBIYA 2018

Addis Ababa(Aftahannews)- Hogaamiyaha mucaaradka ee Itoobiya Andargachew Tsege ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayey, ka dib markii uu ra’iisal wasaaraha dalku ku hanjabay inuu is casilayo.

Mr Tsege, oo wax ka aasaasay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Ginbot 7, ayaa muddo 4 sano ah ku qaatay xabsiga gudihiisa, ka dib markii lagu eedeeyey inuu maleegayey afgambi ka dhan ah xukuumadda Itoobiya. Waxaa lagu xukumay dil 2009.

Wixii ka dambeeyey markii la cafiyey bishii May ee sannadkan, ayuu Mr Tsege kulan 90 daqiiqo ah la qaatay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo isagu soo bandhigay tiro isbeddello ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii April.

Mr Tsege oo haysta baasaboorka Britain ayaa wixii markaa ka dambeeyey dib ula midoobay qoyskiisa oo ku nool London.

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.