“Hawadii Somaliland iyo Soomaaliya oo aan isku jirin sidaasaa waxa looga Maamulayaa Hargeysa..” Wasiir Xirsi

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inaanay jirin wax illaa hadda iska beddelay heshiis dhigayey in Hawada Soomaaliya iyo Somaliland laga maamulo Caasimadda Hargeysa, isla markaana si siman oo laba dhinac ah loo qaybsado awoodda awoodda Maamulidda iyo dakhliga ka soo baxaba.

0-AAA-Xirsi

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyey maanta warar la xidhiidha in  heshiis dhawaan ay kala saxeexdeen dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay qodobbo ka mid ahi saamayn taban ku yeelanayaan Qarannimada Somaliland iyo heshiiskii dhinaca Maamulka Hawada ee Soomaaliya iyo Somaliland ku gaadheen waddanka Turkiga sannadkii hore.

“Malaha sidii kale ee cidi wax u dhigto waa meesheeda, laakiin hawada heshiis baa laga gaadhayooo in hawada Somaliland iyo ta Soomaaliya-ba Somaliland laga maamulo oo Guddi loo sameeyo labada daraf ka kooban oo iyaguna ay badh leeyihiin innaguna aynu badh leenahay, wixii ka soo baxana si siman loo qaybsado ayaa heshiiska ku qoran, markii labaadna heshiiskii labaad sidaas ayaa lagu obor-gareeyey, duniduna taasay aqbashay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo ka jawaabay su’aal arrintaa maanta Weriyeyaashu ka weydiiyeen.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sii wata jawaabta su’aashaas maanta la weydiiyey mar uu ka soo baxay kulan ku qabsoomay xarunta Wasaaradda arrimaha dibedda ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Markaa, qofkii wax kale iska yidhi isagaa iska yidhiye annagu heshiiskii aannu Soomaaliya wada galnay wuxu ahaa in hawada laga maamulo Hargeysa, Maamulkeeda iyo Dhakhligeedana laba dhinac oo siman loo qaybsado, Hawadii Somaliland iyo Soomaaliya oo aan isku jirin ee sidaasana sidaas baa loo maamulayaa.”

Sidoo kale, Wasiir Xirsi oo ka jawaabaeyy su’aal laga weydiiyey sida uu u arko saamaynta uu Somaliland ku leeyahay Heshiiska dhex-maray Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxa uu yidhi; “Wixii heshiisyo ah ee lagu galo Muqdisho annaga nama khuseeyaan, waxaannu nahay dal madax-bannaan oo khayraadkiisa, maamulkiisa iyo siyaasadiisa u madax-bannaan. Duniduna way noo timaaddaa waannu la macaamilnaa, cid aannu madax-bannaanida Somaliland iyo arrimahayaga fasax uga qaadanayno oo aannu marti uga nahayna ma jirto.”

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.