Wasiir Samaale Oo Ka Warwareegaya Bixinta Qarashka Shirweynaha Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Iyada oo ay dhawr iyo toban cisho ka hadhsan yihiin muddadii loo ballamay qabsoomidda shirweynaha xisbiga KULMIYE ayaa waxa aan si rasmi ah loo bixin miisaaniyaddii loogu talo-galay qabsoomidda shirka.

samaale

Ila-wareedyo u dhuun-daloola Xisbiga KULMIYe ayaa Aftahannews u xaqiijiyay in Wasiirka Wasaaradda Somaliland Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ka meeraysanayo in uu dhaqaalaha shirka ku wareejiyo guddiga qabanqaabada ee u xilsaaran.

Taas beddelkeena uu safarro raad-gadasho ah maanta ku tegay magaalada Berbera, halkaas uu ku waabariistay salaaddii arooryo. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in la diray ergo Wasiir Samaale kula kulanta Berbera war cad looga helo sababta uu uga meeraysanayo bixinta dhaqaalaha lagu qabanayo shirweynaha ku muddaysan 21/March/2014.

Xogaha ay helayso mareegta caalamiga ah ee Aftahannews ayaa xusaya in ay jiraan xubno ka tirsan guddiga fulinta Xisbiga KULMIYE oo aan ku qancin go’aanka gawracaya dimuqraaddiyadda Somaliland, ee gundhiggiisu yahay in aan wax tartan ahi ka dhici karin shirweynaha muddo-dhaafay ee Xisbiga Talada haya.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.