Tirada Eedaysanayaal loo soo qabtay dilka Haweenay Meydkeeda God Guri looga dhex-qoday laga helay

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidamada Boolika Somaliland, ayaa laba qof oo kale u qabtay kiiska Haweenay shalay Meydkeeda laga helay god laga dhex-qoday Guri ku yaalla magaalada Hargeysa, waxaanu weli Meydka Marxuumaddu yaallaa qolka Meydka Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo aan weli la aasin ayey Boolisku lix qof oo hore u xidhneen sida uu Taliyahuhu sheegay.

TALIYE FADAL

Taliyaha Ciidanka Ammaanka Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa caawa Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga u xaqiijiyey inay ka sokow lix qof oo uu shalay sheegay inay u hayaan kiiskaan ay maanta u qabteen laba ruux oo kale oo lala xidhiidhinayo inay qayb ka yihiin kiiskaas dilka ah ee loo geystay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle.

Waxaanay Tirada dadka lala xidhiidhinayo dilka Marxuumadda aan Meydkeeda wali la aasin ay noqonayaan Siddeed qof oo lixna hore loo soo xidhay, labana maanta Ciidanka Boolisku ku guulaysteen, sida uu sheegay Taliye Cabdillaahi Fadal.

Taliyaha Booliska oo la waydiiyey sababta ilaa hadda loo aasi la’yahay Marxuumadda, ayaa sheegay in illaa hadda ay qaybaha Ciidanka ammaanku ku hawlan yihiin baadhitaan la xidhiidha kiiskaasi sidii uu u dhacay iyo weliba baadhitaan lagu samaynayo Allaah ha u naxariistee Meydka Marxuumadda, si kiiskeeda meel loogu tiirinayo.

Geesta kale, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Hay’adaha Ammaanka, Garsoorka iyo Xukuumadda Somaliland-ba ugu baaqay in tallaabo adag oo ciqaab ah laga qaado cidda uu kiiskaasi ku caddaado, iyaga oo xusay in dilkan foosha-xun haddaan si adag wax looga qaban inuu noqon karo wax soo noqnoqda.

Allaah ha u naxariistee qaabkan loo dilay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee la sheego inuu ka dhaca gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta dalka Somaliland, waxaanay noqotay dhacdadii ugu hadal-haynta badnayd, iyada oo tan iyo intii ay sheekada dilkan ku saabsani soo baxday goob kasta lagu hadal-hayo iyagoo dadweynuhu si weyn uga naxay dilka noocan ah.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.