Mawqif nooceeya ayuu KULMIYE ka qabaa muddo-kordhin Siilaanyo loo sameeyo?

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbil-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa si guud-mar ah u iftiimiyey mawqifkooda la xidhiidha muddo-kordhin dhawaanahan la hadal-hayey inuu Madaxweyne Siilaanyo qorshaynayo in loo sameeyo marka xilliga sharciga ah ee la doortay idlaado sannad iyo saddex bilood ka dib.

siilaanyo2

Muddo-kordhintaas oo ay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI walaac wayn ka muujiyeen, isla markaana cod dheer ku sheegeen inaanay aqbali doonin in hal maalin loo kordhiyo wakhtiga xil-haynta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa marka shanta sano ee la doortay 26 June 2010 ay dhammaato, iyaga oo dalabaday in la diyaariyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada oo la filayo in la qabto sannadka soo socda.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo waraysi kooban siiyey TV-ga Qaranka ee ay dawladdu Maamusho, ayaa sheegay inaanay arrintaasi iyaga u muuqan, isla markaana mawqifka KULMIYE yahay in doorashooyinka waqtigooda lagu qabto.

“Waxa weeye in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto, dedaalna waannu ugu jiraa. Waakii Madaxweynuhu isagoo Baarlamaanka la hadlaya yidhi Saacad in lay kordhiyo diyaar uma ihi. Annagu waxaanu ku soconaa sida Distoorku dhigayo Shantii sano markay dhamaadaan in Doorashadii la qabto.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo waraysi siiyey shalay Telefeshinka Qaranka Somaliland, waxa uu intaa ku sii ladhay oo yidhi; “Waannu ku dadaalaynaa cid walbana inay ku dadaasho weeye, wixii foorso maanjor ah ee awoodeena ka baxsan dee Illaahay-baa ku shaqo leh. Laakiin, annagu mawqifkaannu ka taagannay waa kaas.”

“Waanagii wada-jir u saxeexnay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga Doorashooyinku, Madaxweynuhuna waxa uu warqad u diray qolada innaga caawisa xagga doorashada, Xukumaddana waa ka diyaar xaggeeda wixii dhaqaale ah ee kaga soo hagaagay qabashada doorashada.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Waa markii ugu horreysay ee uu Guddoomiye Biixi labadan arrimood oo warbaahintu siyaabo kala duwan wax uga baahisay iyo dhawaaqyada muddo-kordhinta la xidhidha ee dhinaca Mucaaridka iyo Madaxda dhaqanka qaarkood ka soo yeedhayey toddobaadyadii u dambeeyey uu sidan oo kale uga hadlo.

Cabdifataax I. Mursal

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.