Shirkii Baydhabo oo lagu doortay Madaxweynaha Maamulka Gobollada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya

Baydhabo(Aftahannews):- Shir ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee dalka Soomaaliya, ayaa Madoobe Nuunow loogu doortay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyry ee Maamul-goboleedka ay ku bohoobeen gobollada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.

120425151644_madoobe

Shirkaas oo muddo dheer ka socday Baydhabo ayaa waxaa barbar socday shir kale oo la doonayay in Maammul luugu sameeyo saddex gobol. Hase-yeeshee, qorshahaas laguma guulaysan, isla markaana Madoobe Nuunow, ayaa haatan loo doortay inuu Madaxweyne ka noqdo lix gobol oo ku yaalla Koonfur-Galbeed ee dalka Soomaaliya.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa Isniinta maanta ah loo doortay madaxweynaha maamulka gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday xarunta ADC-da Baydhabo, xilli dowladdu ay sheegtay inay taageersan tahay maamul u sameynta saddex gobol oo keliya.

Murashaxiinta u tartamayay xilkan oo tiradoodu ahayd toddoba ayaa waxaa ku haray wareeggii koowaad afar murashax, waxaana wareegii labaad u soo gudbeen saddex murashax oo kala ahaa, Madoobe Nuunow, C/fitaax Geeseey iyo Maxamed Aadan Fargeeti.

Intii aanu billaabmin wareeggii labaad ee doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay C/fitaax Ibraahim Geeseey iyadoo wareegga labaad ay ku tartameen Madoobe Nuunow iyo Aadan Fargeeti, waxaana Madoobe Nuunow uu helay 44-cod oo ka mid ahaa 73-kii xubnood ee codeynayay, halka Fargeeti uu helay 23-cod, waxaana xumaaday toddoba cod.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur-galbeed loo doortay ayaa horay uga soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee Somalia, waxaana maamulka uu hoggaaminayo uu maamuli doonaa gobollada, Bay, Gedo, Jubbooyinka, Shabeellada Hoose iyo Bakool.

Gobollada Jubbooyinka oo la sheegay in maamulkan ay hoos-imaanayaan ayaa waxaa ka jira maamul KMG ah oo lagu magacaabo Jubba, kaasoo ay dowladda Soomaaliya raalli ka tahay, lama oga jawaabta ay dowladda Soomaaliya ay ka bixin doonto maamulka madaxweynihiisa lagu doortay Baydhabo.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday inay taageersan tahay in maamul ka kooban saddex gobol laga sameeyo Baydhabo, ayaa haddana doorashada waxaa goob-joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku jiro Sheekh Aadan Madoobe.

Ninka Madaxweynaha Maamulka gobollada Koonfur-galbeed loo doortay maanta Madoobe Nuunow, ayaa hore Xildhibaan uga soo noqday Baarlamaanka dawladda Soomaaliya wakhtigii ay dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee uu hogggaaminayay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Magaalada Kismaayo waxaa ka jira maamul isaguna sheegaya inuu metelayo saddex gobol oo ka mid ah lixda gobol ee maanta loo caleema-saaray Madoobe Nuunow. Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in shirkan uu ka hor imanayo Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah ee dawladda Soomaaliya.

Wefti ka socday dowladda federaalka Soomaaliya oo Baydhabo u tegay inuu xalliyo khilaafaadka la xidhiidha Shirkaas, ayaan wax guul ah ka soo hoynin, ka dib markii ay shalay Ergadii Shirku ku gacan-saydheen qorshohooda.

Dadka wax indha-indheeya ayaa ka cabsi qaba in arrintani ay colaad u horseedi karto gobollada lagu muransan yahay hoggaamintooda ee Koonfur-Galbeed ee waddanka Soomaaliya.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.