Ukraine oo u Yeedhay Ciidammadeeda Keydka ah iyo Ruusha oo la wareegay

Crimea(Aftahannews):- Ukraine ayaa u yeeratey Ciidammadeeda Keydka ah si ay uga jawaabaan ansixinta Baarlamanka Ruushka ee aheyd in Ciidammo ay u soo diraan gobolka Crimea.

45FDEC74-4313-4100-9159-DEEC83C1A639_w268_r1

140303002342_sp_soldados_ucrania_624x351_ap

Ruushka ayaa si buuxda ula wareegay gobolka Crimea ee Ukraine ee ay ku badan yihiin dadka ka soo horjeeda dowladda KMG.
 
Andriy Paruby, oo ah sarkaalka ugu sareeya ee dhanka ammaanka ayaa sheegey shaley oo Axad aheyd  in ay ababaulkaas u sameynayaan  si loo xaqiijiyo amaanka iyo madaxbanaanida dhulka Ukraine.
 
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa 90 daqiiqo telfoon kula sheekeystey sabtidii madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin si uu ugu sheeko waxa ay Aqalka Cad ugu ugu yeereen walaac qoda dheer oo ku aadan wax aka dhacaaya Ukraine.
 
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegey in uu madaxweyne Obama uu u sheegey madaxweynaha Ruushka in uu dalkiisu xad gudub muuqda ku hayo madaxbanaanida dalka Ukraine iyo sharciga caalmaiga ah.
 
Madaxweyne Obama ayaa sheegey in Mareykanka ay joojinayaan in ay ka qeybgalaan kulanka la diyaarinaayo ee wadamada G8 ee dhanka dhaqaalaha ku hormarey kaasoo ka dhici doona magaalda Sochi ee dalka Ruushka. dhamaadka sanadkan.
 
Wakaalada wararka ee ee Ruushaka yaaa shegtey in Putin uu u sheegey Obama in Ruushku ay xaq u leeyihiin in ay difaacaan qowmiyadaha Ruusha asal ahaan u dhashey eek u sugan Crimea ama bariga Ukraine.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.