Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Wefti hawlo Muhiim ah Somaliland u yimi

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Wefti sare oo ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan wax-soo-saarka cuntada iyo Xoolaha ee FOA oo socdaal shaqo oo muhiim ah ku yimi Caasimadda Hargeysa.

SIILAANYO IYO FOA

Kulankaas oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdillaahi Ismaaciil Faarax iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Weftigan Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo qaabbilay ayaa ahaa Madaxa Hay’adda FOA u qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxa Kenya iyo gobolka Geeska Afrikaba u qaabbilsan Hay’adda FOA, Mr. Luca Alinovi iyo Ku xigeenkiisa, kuwaasoo hawlo kala duwan oo shaqo u yimi Somaliland.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.