Jannaale: Caawimo loo waday Dad dhibaataysan oo la Boobay

Jannaale(Aftahannews):- Caawimo loo waday dad ku dhibaateysan Deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya, ayaa lagu boobay xalay gudaha degmadaas oo la sheegay inay boobeen Rag ku labisanaa Direyska Ciidammada dawladda Soomaaliya.

NEWS

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka la boobay ee raashinka waday ay ahaayeen laba baabuur oo siday gargaar ay hay’adda WFP ugu talo-gashay dadka degmadaas ku nool, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha deegaankaas Jannaale.

“Deegaanka Jannaale waxaa xalay lagu boobay laba gaadiid oo gargaar u waday shacabka ku dhibaateysan deegaanka, gaadiidkaas  waxay ahaayeen kuwo is-jiid ah, kaasoo ay ku deeqday hay’adda WFP waxaana boobay rag ku labisan ciidanka dowladda Soomaaliya.” Sidaa ayuu yiri Guddoomiyaha Jannaale Maxamed Idiris.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay nasiib-darro tahay in raashin dad masaakiin ah loogu talo-galay la boobo, waxaana uu xusay inay ku wargelinayaan arrintan dowladda dhexe si ay deg-deg wax uga qabato.

“Halkan wax nidaam ah oo ka jiro ma jirto, ciidamadii dowladda ayaa boobay raashin gar-gaar ah oo loogu talogalay shacabka deegaankan ku dhibaateysan, waxaan ku wargelinaynaa dowladda,” ayuu Idiris ku sheegay hadalkiisa.

Boobkani maaha kii ugu horreeyey ee lagula kaco gargaar loo waday dad dhibaataysan, hase ahaatee, marar kala duwan oo hore, ayaa la sheegay in sidan oo kale loo boobay caawimooyin kala duwan oo loo waday dadka ku dhaqan deegaannada kala duwan ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.